Xog: Farmaajo oo madax goboleedyada raacsan amray inay hakiyaan doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku amray madax goboleedyada taabacsan inay hakiyaan doorashada golaha shacabka, sida ay ilo-wareeedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo kan Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo aad ugu dhow Farmaajo ayaa maamul goboleedyadoodu yihiin kuwa kaliya ee illaa hadda qabtay doorashada kuraas ka mid ah golaha shacabka, hase yeeshee waxay kala kulmeen fadeexad iyo cambaareyn weyn kadib markii ay shaqsiyaad ay ayaga wataan iyo kuwa ka socda dhanka Farmaajo u boobeen kuraasta.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa hadda u sheegay inaysan qaban doorashada kuraas kale illaa inta ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ka qabanayaan doorashada dhowr kursi oo ka mid ah golaha shacabka.

Qorshahan, oo ah xeelad siyaasadeed, ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu Farmaajo uga dan leeyahay inuu bulshada tuso sida ay Axmed Madoobe iyo Deni u maareyn doonaan doorashada, ayada oo aad loo rumeysan yahay inay boobi doonaan kuraas badan si la mid ah Qoor Qoor iyo Lafta-gareen.

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu muujiyo inaysan jirin doorasho uu isaga boobayo balse ay dhibataadu tahay madax goboleedyada, ayna ka siman yihiin kuwa isaga raacsan iyo kuwa kasoo horjeeda.

Farmaajo ayaa hadda aaminsan in go’aankii uu maamulka doorashada ugu wareejiyey Rooble uu ahaa mid ka miro-dhal badan intii uu filayey, sababtoo ah; wuxuu si xooggan saameyn ugu leeyahay doorashada, sidaa oo ay tahayna, ma jirto cid ku eedey karta inuu boobayo maadaama Rooble iyo madax-goboleedyada ay mas’uul ka yihiin maamulka doorashada.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada oo aad ugu xiran Villa Somalia ayaa shalay meel-mariyey kursigii muranka dhaliyey ee HOP67 oo uu ku guuleystay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, oo uu watay Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay inuu bilow u yahay kuraas badan oo loo boobi doono xulafada madaxweynaha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii