DAMACA ITOOBIYAL Laba-kaclaynta loolanka Geeska Afrika. Qeybtii 5-aad

Tani waa qormadi shanaad ee aan ku eegayno loollanka loogu jiro la wareegidda gacan ku haynta siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika. Qormadaan waxay si gooni u eegaysaa dadaalka ay Itoobiya ugu jirto inaysan ka mid noqon kuwa la qaysanayo ee ay ka mid noqto kuw wax qaybsanayo.
Marki laga hadlayo qaybsi iyo saamayn lagu yeesho dalalka Geeska Afrika waxaa nagu soo dhaco kaliya waddamada waaweeyn sida Maraykan, Ruushka, Turkiga, Shinaha, Iiraan ama kuwa lacagta leh sida Imaaraatka iyo Qatar. Waxa meesha ku jiro ee aan ilowsannahay ayaa ah waddamada gobalka ku yaal ee tartanka qaybta ah. Sidaasi waxaa yiri Allison Fedirka oo fadhigiisu yahay Washiton kana faallodo siyaasadda caalamiga ah.
Waddamada gobalka ee uu mudane Allison sheegay waa Itoobiya oo waqtigaan qaadday tallaabooyin ay wax ooga baddalayso siyaasaddeeda gudaha, midda dibadda, dhaqaalaheeda iyo xariirka kala dhexeeyo dalalka ee dunida. Aqoonyahannada ka faalloodada siyaasadda gobalku waxay aaminsanyihiin in ujeedka ugu weyn ee raysulwasaaraha cusbi yahay siduu qayb weyn ooga heli lahaa awoodda mandhiqadda si taasi uu helo wuxuu ku dadaalay inuu goobjog ka ahaado geedka wax lagu qaybsanayo.
Maahan marki ugu horraysay ee Itoobiya ay ka qayb qaadato qaybsiga Bariga Afrika. Intii u dhaxaysay 15’ki Nofember 1884 iyo 26’ki Febarayo 1885’ti waxaa magalada Baarliin ee dalka Jarmalka ka dhacay shirki ay isugu yimaadeen dublamaasiyiin matalaysay guumaystihii ree Yurub. Shirkaan waxaa lagu go’aaminayay sidii Afrika loo guumaysan lahaa iyo waddan walba intuu goosan lahaa. Shirkaan lagu jeexjeexay xuddudaha manta u yaallo Afrika, laguma casuumin ruux, shirkad ama dal Afrikaan ah oo aan ka ahayn Itoobiya. Waxaa xusid mudan in magaca shirkaas loo bixiyay uu ahaa mid qurux badan oo aan waxba ka duwanayn kuwa maanta la isticmaalo. Ujeedka shirka ayaa lagu sheegay inuu ahaa sidii loo heli lahaa ganacsi xor ah oo ay yeelato qaaradda Afrika in meesha laga saaro in dhowr dal kaliya isku koobaan ganacsiga iyo kheyraadka qaaradda madow.
Sababta shirkaas loogu ogolaaday Itoobiya maahayn jeceyl gooni ah oo loo qabay iyo saaxiibtinimo gaar ah oo kala dhaxaysay ree Yurub ee waxay ahayd inay isu muujisay inay tahay dal jira oo inuu wax qaybsado mooyee aan isaga lagu darsan karin kuwa lakala goosanayo. Arrintaas waxaa suura galiyay in Itoobiya ay ka jirtay dowlad boqor leh laakiin dhul ahaan aad u yar. Boqorkaas wuxuu ku dadaalay siduu dalkiisa uga bixin lahaa sawir muujinayo inuu yahay awoodda ka jirta Bariga Afrika iyo in dadyowga dariska la ahaa ay ahaayeen kuwa isaga hoos yimaado oo taladooda ay tahay in isaga wax laga waydiiyo. Sidoo kale, kaniisadda dalkaas ayaa ahayd mid caan ka ahayd Yurub sumcad weyna ku lahayd masiixiyiinta majaraha u haysay guumaystaha Yurub. Halka qowmiyadihii ku noolaa Bariga Afrika aysan warba ka ahayn waxa ka socdo dhulkooda, Itoobiya waxay xusulduub ugu jirtay helidda dhul iyo dad is wata oo ay qaaadato.
Maanta kama duwana waqtigaas. Itoobiya dad, dhaqaale, ciidan iyo awood kalaba iyadaa ugu hoorrayso mandhiqadda. Ma jiro dal kale oo daris la ah oo ku dhaco inuu isku garab dheerariyo. Taasi waxay u suura galisay inay isu muujiso inay tahay odaga ka taliyo carrigaan haddii lagu diirrado in laga dul boodana ay wax gaysan karto.
Taasi waxay keentay inay noqoto labaatanki sano ee lasoo dhaafay albaabka laga soo galo Soomaaliya matalaadda soomaalidu ku lahayd dalalka caalamka. Maraykanka, Turkiga, Sacuudiga, Imiaaraatka iyo Shiinaha intaba waxay maalgalin xooggan iyo xariir wanaagsan la samaysteen Itoobiya inta aysan u gudbin gobalka intiisa kale. Darajada ay Itoobiya ka heshay dunida waxaa keenay sida ay iyadu isu karaamaysay. Halka dalalka kale ee Afrika Carabtu u yeeriyaan waxa ay rabaan iyagoo isticmaalayo lacag, Itoobiya lacagtana waa la siiyaa mana dhacdo inay si muuqato cid u taageerto ama u muuqato mid loo sheegay go’aanka ay qaadanayso.
Tusaale, khilaafki Khaliijka dhammaan waddamada mandhiqaddu, sida Jabbuuti, Suudaan iyo Eritareeya,  si dagdag ah ayay dhinac u raaceen laakiin Itoobiya iyada oo dhammaan dalalkaas oo dhan xisaab xooggan ka qabto ayay diidday inay dhinac raacdo. Khilaafki ugu danbeeyay ee Kanada iyo Sacuudiga, Soomaaliya iyo Eritareeya waxay garab istaageen Sacuudiga iyagoo canbaareeyay Kanada. Itoobiya inay wax dhaceenba kama soo qaadin waayo shaqo u taal uma aragto, Sacuudigana waxay u aragtaa dal ay siman yihiin oo aan wax u yeerin karin. Farqiga ayaa ah, in Itoobiya u kala soocan yihiin maalgashi, taageero dhaqaale iyo aan ku yeesho.
Arrintaan maahan mid ku kooban hab dhaqanka dowladda ee waa mid shacabku qayb ka yahay. Halka Soomaalidu waddanki waxyar taro ay hiil iyo hooba u hurayaan, shacabka Itoobiya uma arkaan in xaq loogu leeyahay taageero gooni ah. Tusaale, Turkiga soomaalida maanta wuxuu u joogaa meel ay u hurayaan wax walba oo ay karaan ilaa aan maqlay xataa culimo leh haddaan awoodno waxaan ku wareejin lahayn talada dalka. Waxaan hubaa haddii maanta cod kalsooni loo qaado madaxweynaha Soomaaliya iyo midka Turkiga in soomaalidu codka siin lahayd midka Turkiga. Saas oo ay tahay kala bar maalgashigaTurkigu ku leeyahay Afrika wuxuu galiyay Itoobiya. Halka innagu kaalmada aadane ee Turkigu na siiyo aan u aragnay mid uu ku mutaystay in dalka lagu wareejiyo, Itoobiya harumarinta tamarta, beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee uu Turkigu dhulkeeda ka wado waxay u aragtaa kaliya xariir iskaashi oo labo dal oo siman ka dhaxeeyo.
Sidoo kale, Sacuudiga waxaan ku garab istaagnay xoogaa uu kabo qasanadda dowladda isagoo dhinaca kale diiday inuu noo furo suuqiisa xoolihii soomalaidana jidka kusoo celiyay. Halka Itoobiya uu ogolaaday inay suuqiisa u iib keeni karto alaabaha Itoobiya lagu sameeeyo, uu ka furay maxjar ugu weyn geeska Afrika kaasoo lagu qali dooni xoolaha Soomaalida, uu maalgaliay beero gaarayo kummaan hektar una oggolaaday lacag kale oo maalgashi ah. Qatar oo aannan ogayn wax maalgashi ah oo ay dalkeenna ku samaysay marki laga reebo saliid iyo timir masaakiinta loo qaybiyo, waxay saamayn xooggan ku leedahay go’aammada dalkeenna halka Itoobiya oo ay maalgalisay biyo biyoxireenkeeda ugu weyn Afrika aysan eray ku dhihi karin.
Waxaa laga yaabaa in akhristuhu is yiraahdo Itoobiya waa dal dhisan oo aan ciwimaad u baahnayn sidaas ayaana keentay in maalgashi kaliya lagu yeesho siyaasaddana u badaxbannaanaato. Itoobiya xagga faqriga waxba nama dhaanto. Sanadki labada kun, Itoobiya waxay ahayd dalka saddexaad ee dunida ugu saboolsan. Dadkeedu in badan 50% ayaa ku noolaa saboolnimo xad dhaaf ah. Hadda 31% ayaa ku nool wax ka yar hal doolar maalinki. Waxaa ka jiro shaqo la’aan baahsan, dib u dhac xagga tignoolajiyadda ah, xorriyad la’aan iyo daganaansho la’aan siyaasadeed. Sida aan horay u sheegnayba waxa keenay in Itoobiya loo arko dal aan ka quursan karin, waa sida iyada iyo dadkeeduba u dhaqmaan.
Marki dowladdi isu diyaarisay kuna guulaysatay inay fadhiisato miiska mandhiqadda lagu qaybsanayo, tallaabada xigto waa in shicibka lagu qanciyaa inay kor u baxaan. Si shacbakeeda ay ugu qanciso inay dhul cusub boobaan madaxda Itoobiya waxay billaabeen dhiirrigalinta in kor loo baxo lagana gudbo isku koobidda xudduudda dalkaas. Mudane Abiy, mar uu u jawaabayay wiil kasoo jeedo beelaha yaryar ee Itoobiya kaasoo yiri innaga ree hebel ah ismaamul gooni ah ayaan rabaa, waxaa uu yiri waxaan rabnaa inaad Muqdisho aad u shaqo dagto adoo gurigaada kasoo toosay adna inaad xaafad isku koobto ayaad rabtaa.
Sidoo kale, markii uu sheegay inuu celinayo dhulkii ay Eritareeya ka haysteen waxaa looga yeeray baarlamaanka waxaana la waydiiyay su’aalo adag oo arrintaas la xariiro. Abiy waxaa uu yiri xudddaha hadda noo yaal waa kuwo ay dhigeen guumaystihi ree yurub mana ahan mid lagu saleeyay caddaalada iyo danaha dadka daggan dhulkaan. Wuxuu yiri isagoo arrintaa tusaalaynayo, Oromada Borena ee dagen Itoobiya waxay dhaqan ahaan iyo dhalasho ahaanba isaga dhowyihiin Oromada dagggan Kiinya. Sidaas darteed, in laga gudbo xudduud beenaadkaan waa lama huraan.
Hadallada mudane Abiy waxay u muuqdaan kuwo meesha kasaarayo aqoonsiga xuddudaha hadda jira oo qaarkood uu xoog ku haysto. Meesha kasaaridda xuddudaha waxay u ogolaan doontaa Itoobiyaanku, inay sheegtaan dhul cusub si loo ballaariyo dhulka Itoobiya ay ku fadhido. Ha ku kadsoomin eyada macaan ee arrintaan loo marayo. Luuqadda la isticmaalayo ee ah ganacsi, maalgashi, wada-noolaansho iyo xariir iskaashi waa mid lagu yaqaan guumaystaha waana kii ay isticmaali jireen guumaystihi ree Yurub.
Khulaaso
Geeska Afrika waxaa kasoo cusboonaaday loollan u dhaxeeyo waddamo duullaan ah. Duullaankaan wuxuu ku wajahanyahay sidii loo hanan lahaa siyaasadda mandhiqadda iyo gacan ku haynta khayraadkiisa. Duullaankaan oo u qaab eg midkii guumaytihi ree Yurub Afrika ku qabsaday ayaa u dhaxeeyo waddamo is diiddan oo is garab yaacayo.
Culayska ugu badan wuxuu haystaa Soomaalida. Soomaaligalbeed mid laga samray ayay u muuqataa oo waxaan qabatinnay magaca ‘Soomaalida Itoobiya’. Soomaaliland waxay ka lulataa meel halis ah ka dib markay gashay heshiis xero ciidan lagu siiyay Imaaraat oo dillaal u ah waddamo dhowr ah. Jabuuti waxay khatar ugu jirtaa in Shiine la wareego maadaama ay gashay deyn ay adagtahay inay iska bixiso. Soomaaliya oo kasoo kabanaysay burbur daashaday muddo badanna ahayd halaqyo galeen waxay u muuqataa mid masiirki ka lumay oo hadba dal xig siiyay meel i jiheeyo.
Itoobiya oo ah cadowga kaliya ee dhulkeennu halista ugu jiro, waxay u middiyo lisanaysaa inay boobto dhul cusub oo soomaaliyeed. Soomaaligalbeed waxay ka heshay shidaal kasaaro faqriga. Jabuuti waxay rabtaa inay ka dhigato meesha ay ka dhoofsato shidaalka ay kala soo baxdo Soomaaligalbeed. Soomaaliya oo ay ku jirto Soomaaliland waxay rabtaa inay kula shirkowdo waddamada duullaanka ah oo ay dhaqaalo xooggan ka hesho dadkeedana shaqo uga abuurto.
Inkastoo sawirka aan bixiyay u muuqdo mid madow, haddana waxaan qabaa in aannan jabin. Taariikhdu waxay na baraysaa in Soomaali dhul qabsato mooyee aysan jirin dhul iyada laga qabsado. Oromada maanta u dhiilo-culanayso inay qabsato dhul soomaaliyeed, iyadoo intaan ka badan, ka cawaansan kana dad cunsan ayay soomaalidu kala wareegtay dhulka ugu weyn Soomaaliya maanta. waddamada Carbeed ee aan islaannimada u aaminnay iyaguna na iibsaday, horay ayay u sameeyeen intaas oo kale laakiin waa ka cifannay.
Baarurugga dadkeenna, adkaysiga dabiiciga ah ee soomaalidu u dhalatay iyo tirada wali dammiirkodi noolyahay oo lagu daray sida aan daacadda u nahay iyo sida naloo khiyaamay, ayaa keeni doonto in aannan u baabi’in sidii loo rabay. Hasa yeeshee inaan ku baraarugno halista nagu soo wajahan waa mid lama huraan ah.
Ibrahim Aden Shire