Siyaasi Hawiye oo caana oo sheegay in Dam-Jadiid qabsatay halbowlaha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xibsiga Nabadda iyo dimuquraadiyadda, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in wasiirka caddaalada iyo arrimaha fedaraalka uu billaabay qorshe ah siddii uu ula wareegi lahaa hey’adda garsoorka oo ah hey’ad madax banaan.

Wuxuu sheegay tallaabada uu wasiirka shaqada uga eryay xeer ilaaliyihii qaranka Cabduqaadir Maxamed Muuse iyo magacaabista guddoomiyaha sare ee maxkamadda ciidamada dowladda Cabdiraxmaan Tuur in ay muujineyso in uu hey’adda garsoorka ka dhigo meel ay maamulan urur diimeedka Dam-Jadid ee isaga iyo madaxweynaha ka tirsan yihiin.

Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta Hawiye, ayaa tilmaamay in guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada in uu xukun dil ku fuliyay wiil la sheegay in gurigiisa laga soo helay hub waana arrin aan macquul ahayn ayuu yiri marka loo eego sharciga.

“Waxaas oo dhan waxay muujinayaan qaran dumis waayo haddii la lee yahay qofka aan rabo ayaan meesah keenaya” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuqiraadiyadda.

Sidoo kale, waxaa weerar ku qaaday wasiirka garsoorka Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, wuxuuna sheegay in Faarax Cabduqaadir wasiirka garsoorka uu lee yahay awood ka badan kuwa ay lee yihiin wasiirada kale ee xukuumadda.

Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamay in wasiirka uu ku koobnaado shaqadiisa oo uusan galin arrimaha maxkamadaha oo ah hey’adda madax banaan.

Dhawaan ayey ahayd markii qorshe uu soo hordhigay golaha wasiiradda Faarax Sheekh Cabduqaadir loo oggolaaday deetanada uu xilka qaaday xeer ilaaliyihii qaranka balse xeer ilaaliyaha uu diiday qorsheha xilka looga qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com