DANAB oo Shabaab badan ku dishay weerar qorsheysan

Jowhar (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ay sacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo shaaciyey tirada dagaalamayaal ay ka dileen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay ku weerareen deegaanada kala ah Saabuun, Baaroow, Madiina-Cadde, Gaaleef iyo Buurdheer oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladaas ay ku dileen ugu yaraan 8-xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo mid ka mid ah la toogtay isaga oo miino ku aasaya wado aad loo isticmaalo, sida uu sheegay Taliye Xasan Tuure.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamadu burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa kooxda oo ay kasoo abaabuli jireen weerarrada ay ka fuliyaan deegaanada qaar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ururka 7-aad, Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab ayaa fuliyey howlgalkaas, waxuuna sarkaalkan hoggaaminayey ciidanka sheegay in qorshahooda uu ahaa ka hor-tagga weerarro ay qorsheynayeen Al-Shabaab, isla markaana ay ku guuleysteen.

Mudooyinkii u dambeeyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxaa ka bilaawday howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna militeriga Soomaaliya ku guuleysteen inay ka saaraan deegaano dhowr ah oo ay horay u maamuli jireen.