Guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku cadeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.

Guddiga ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan. “inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.”

“Guddigu wuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo kadib doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka guddiga ayaa intaas ku sii daray, “Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.”

Sidoo kale Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, “Waxaa naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay,” ayaa qoraalka lagu yiri.

Guddigan u xilsaaran la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa ka digaya ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka, taas oo carqaladeyn ku ah ‘xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay.’

Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in fursadaha ol’olaha doorashada la doonayo inay noqdaan kuwo ay u siman yihiin dhammaan musharaxiinta oo ay ku jiraan musharrixiinta haweenka iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha la hayb sooco.

Si loo xaqiijiyo tallaabadaas waxuu guddigu qoraalkaan ku cadeeyey in kormeerayaal ka socda Guddiga loo xilsaari doono, isla markaana ay isha ku heyn doonaan goobaha codbixinta ee dalka oo dhan.

“Guddigu wuxuu ahmiyad gaara siin doonaa Habka Baarista Dembiyada Doorashada oo ay ku jiraan xad-gudubyada maamul iyo kuwa dembiyeed labadaba. Sidoo kale, Guddigu wuxuu billaabi doonaa wacyigelinta bulshada, waxaana ugu baaqeynaa daneeyeyaasha maxalliga ah, kuwa qaran iyo kuwa caalamiga ahba inay nagu gacan siiyaan gudashada waajibaadka Guddiga,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Guddigu wuxuu xusuusinayaa dhammaan hawl-wadeennada doorashooyinka- oo ay ku jiraan  kuwa heer federal iyo heer maamul gobolleed- in laga doonayo madax-bannaani, dhex-dhexaadnimo iyo isla xisaabtan. Guddiyada doorashada waxaan xusuusineysaa inay si adag u hoggaansamaan sharciyada qaranka iyo qaab-dhismeedka sharciga ee doorashooyinka.”

Ugu dambeyntii qoraalka guddiga waxaa lagu yiri, “IACC waxay ku martiqaadeysaa xubnaha bulshada caalamka inay door muhiim ah oo gaarsiisan inay heer kormeer madax-bannaan oo leh dhex-dhexaadnimo iyo carqalad la’aan ah ka ciyaaraan doorashooyinka Soomaaliya si waafaqsan heerarka caalamiga ah.”