Danjiraha Kenya ee Riyad oo dhaawac uu gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudiga, ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray Danjiraha Dowlada Kenya u fadhiyay dalka Sacuudiga.

Danjiraha oo lagu magacaabo Mohamed Mohamoud ayaa ku dhaawacmay shil gaari, waxaana iminka la dhigay dhaawiciisa Isbitaalka weyn ee Riyadh.

Safiir Mohamed Mohamoud ayaa waxa uu dhaawaca kasoo gaaray dhowr meel oo ay kamid yihiin Madax, Garabka, Sinta iyo Lugaha.

Dhaawaca Safiirka ayaa yimid xili uu kusii jeeday aqalkiisa kana sii baxaayay Xafiiskiisa, waxaana lagu soo waramayaa inay haatan xaalladiisa caadi tahay, walow uu weli ku jiro Isbitaalka.

Dhanka kale, Dowlada Riyadh ayaa ku dadaaleysa daaweynta Bukaankaasi, waxaana halkaasi ku booqanaaya Safiiro iyo Madax kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com