Fartaag oo 1-0 diray Aw-libaax iyo M/Sayid Adan

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa la filayay iney tagaan  siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo kuwaasi oo si weyn u dhaliilsan siyaasada maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.

Siyaasiyiinta la filayay iney tagaan magaalada Kismaayo ayaa waxaa kamid ah Maxamed Cabdi Kaliil, Barre Aadan Shire Hiiraale iyo Maxamuud Sayid Aadan oo dhamaantood kasoo jeeda gobolka Gedo.

Siyaasiyiintaasi ayaa qaarkood ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana socdo dadaalo lagula hishiisinayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ay isku dhaceen waxii ka dambeeyay markii uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Warar Hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in shirarkaasi ay fashil ku wadaan siyaasiyiin uu kamid yahay Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag oo cabsi weyn ka qaba inuu waayo xilkaasi loona dhiibo shaqsi kale oo kasoo jeedo Gedo kana mid ah siyaasiyiinta dhaliilka Axmed Madoobe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Gen Fartaag uu magaalada Kismaayo kula kulmay Maxamed Aw libaax isagoo si hoose kaga dhaadhiciyay  qorshaha rasmiga uu damacsan yahay, taasi oo keentay in shaki weyn uu kala dhex gal Aw-libaax iyo Maxamuud Sayid Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com