Ciidamada Ethiopia oo xabisay masuul DFS ah.!

Baardheere (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Ethiopia ee kusugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska dowlada Soomaaliya, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia xabsiga dhigeen taliyihii ciidamada booliska ee degmada Baardheere Korneyl C/casiis Xasan Cilmi (Aftaag).

Taliyaha ayaa ciidamada Ethiopia waxay xireen xili uu ka laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaaliya, oo uu joogay arimo la xiriiro tababarka qaabka u howlgalayaan ciidamada booliska degmada Baardheere.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in taliyaha loo xiray arimo siyaasadeed, waxaana la sheegayaa inuu u janjeero dhanka dowlada Soomaaliya uuna kasoo horjeedo ciidamadii Ahlu sunna ee ka gacan geystay qabashada degmada Baardheere.

Mr Aftaag, ayaa loo diiday inuu gudaha u galo degmada Baardheere, waxaana lagu xiray garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere.

Ciidamada Ethiopia ayaa waxay doonaan ka sameeya deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com