Mareykanka oo ciidan usoo daabulaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada mareykanka ayaa heer gabogabo gaarsiisay tababaro ay Saraakiishooda siinayeen Ciidamo Ugandhes ah kuwaasi oo dhawaan loosoo duulin doono magaalada Muqdisho.

Ciidamadaani oo iminka tababarka heerka gabogabo ah uga socdo Xeradda Millateriga ee Singo Camp, ayaa waxaa lagu wadaa inay waxbadan ka bedeli doonaan xaalada hadda ka taagan Somalia.

Ciidamadaani oo aad u farabadan ayaa waxaa la baray qaabka loo furfuro miinooyinka, ka hortaga weerarada iyo howlaha rayidka ”Civil Engineering”.

Ciiddankaasi oo dhawaan loo soo diri doono Somalia, ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan qaybta Enjineeriyadda ee ciidanka Uganda, si ay uga taageeraan baahidooda dhinaca Dhismayaasha iyo Baaritaanka iyo Kala-fur-furida miinooyinka loo dhigo Ciiddanka AMISOM.

Ciidamada ayaa waxaa la socon doono ciidamo mareykan ah oo ka tirsan qeybta Mariniska kuwaasi oo tirro ahaan la sheegay inay gaarayaan ilaa 3 oo Ciidamadaani tababarka loo soo xiray ka caawin doona dhanka Injineerida iyo wacyi-gelinta Ciiddanka.

Ciidamadaani ayaa la filayaa in Bartamaha Bishan hadda dhalatay loo soo qaado magaalada Muqdisho si ay qeyb uga noqdaan howlgalada socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com