Dumar xirnaa astaanta GALMUDUG oo la xiray.!

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa xabsiga dhigay haween watay dhar laga sameeyay calanka maamulka Galmudug oo si weyn isku mucaaradsan yihiin.

Ciidamada ayaa xabsiga magaalada Dhuusomareeb dhigay sideed haween ah oo la sheegay iney qaarkood ka ganacsanayeen calanka lagu yaqaan maamulka Galmudug ee C/kariin Xuseen Guuleed.

Sideeda haweenka ayaa markii dambe la sheegay in si damiin ah lagu sii daayay, laakiin waxaa la sheegayaa iney siiyeen digniin kale oo ah ineysan ka ganacsan Karin xitaa astaanka maamulka Galmudug.

Qaar kamid ah haweenka xabsiga ay dhigeen Ahlu sunna ayaa sheegay iney ka xumaaday qaabka loola dhaqmay maadaama calan ama astaan aysan u arkin iney wax weyn yihiin.

Sideeda ruux ee la xiray lana sii daayay markii dambe ayaa waxay ahaayeen kuwo da’ ah oo muddo badan dharka ka ganacsan jiray, halka lixda kale ahaayeen gabdho la sheegay iney ku labisteen calanka Galmudug.

Waa markii ugu horeysay oo talaabadaasi ay qaadaan xubnaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe, waxayna muujineysaa sidey wali uga soo horjeedaan maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com