Ciidamada Liyu Booliis oo dad shacab xasuuqay

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaadhaya Gudaha Kililka  gaar ahaan Gobolka Nogob ayaa sheegaya in Maleeshiyada Layuu Boolis ay xoog ku rareen dadkii Shacabka ahaa ee deganaa Tuulada Mutaa, Dargaduud iyo Gabriile ee Gobolka Nogob kadibna lasoo dajinayo dad kale oo shacab ah oo ay iskuheyb yihiin madaxweynaha dawlad deganka somalida Ethiopia mudane abdi maxamud omar taas ona lagaranaynin sababta dadna loobarakicinayo dad kalana lagusoo daabulayo guryihii iyo bakharadii ay daganayeen dadka rer fiqi omar.

Wararka ayaa intaa kudaraya in ladilay 4 nin oo shacab rer guraa ahaa halka tiro intaa kabadana lagu dhaawacay.

Dilalkan ayaa kadhacay degaanka dar guduud oo hostimaada dagmada laga hida ee gobolka nogob.

Ciidamada lyu policka oo ah ciidan uu leyahay Maamulka kililka 5  ayaa kudhaqaaqay talabo calool xumo reebtay taas oo ahayd in degaano iyo tuuloyin ay daganayeen  Besha sheikhal  Ee gobolka Nogob  Cagta lamariyay iyaga oo amar kahaysta  maamulka kililka .

Deegaanada  labarakiciyay waxaa kamid ah  Gabriile iyo   dar guduud  oo katirsan dagmada laga hida iyo  magalada mutaa oo iyna ka tirsan dagmada salaxaad.

Qorshahan dadka shacabka ah looga saaray loogana raray Mutaa ayaa waxay kamid tahay qorshaha uu Maamulka  Cabdi M Cumar rabo inuu ku  Sifeeyo Beesha Reer Fiqi Cumar  Ee Gobolka Nogob   Dagan  waxaana la sheegayaa in Silig lagu Ooday oo la xidhay Mutaa sidoo kalana Maleeshiyada Layuu Lasoo Dajiyay.

Wararku waxay sheegayaan in si khasab ah loo rarayo Reeraha Iyo dadka shacabka ah ee ka ag dhaw ama degan goobahaasi waxayna arintani u muuqataa Talaabadii ugu dambaysay ee uu Cabdi Ilay uu rabo inuu kusoo saaro Reer Fiqi cumar Gobolka Nogob  .

Ujeedka loo dumiyay guryahii shacabk iyo maheradihii ayaa ahaa in ay cidanka layu policku lagu amray  dadka sheikhal laga raro deganadaas taas oo kadan baysay amar kasoo baxay Cabdi M Cuamr  oo  ilaa hada lagaran layahay sababta uu falkan ugu dhaqaaqay .loona duminayo degaano shacabku samaysteen kana gaareen horumar iyaga oo aana wax kaalmo ah kahelin dawlada.

Cambaareyn

Dhinaca kale, Jaaliyada Soomaalida Ethiopia ee Minnesota Faribault, MN, ayaa kulan ay iskugu yimaadeen waxgaradka, Culumo awdiin, aqoonyahanada haweenka,dhalinyarada kazoo jeeda jaaliyada Ethiopia ayaa manta lagu qabtaya magalada Faribault ee gobolka Minnesota ee Cariga maraykanaka.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa in lamuujiyo sida logasoo horjeedo barakicinta laguhayo shacabka degaanada mutaa iyo darguduud. Ee gobolka nogob .

Jaaliyadu waxay u aragtay in Madaxweynaha dawlada deganka Somalida Ethiopia Abdi Maxamuud Umar uu masuul kayahay dhibataynta shacabka Rer fiqi Cumar.

Warbixin dheer ayaa lagag dhagaystay khadka telefonka dhibatada kadhacday mutaa odayasha iyo waxgaradka mutaa oo soo garay magaalada Baldhaa ee Oromia.

Dadkii lagu barakiciyay degaanka ayaa ukala qaxay baadiyaha iyo kililka Oromada halkaas oo ay kubadbadsadeen lafahooga. Jaaliyadu waxay sicod Dheer iyo murugo uga mujisay in iyada oo jaaliyadu uhelanayd markasta kashaqaynta iyo horumarka wadanka in shacabkii degaanka lagu waxyeleeyo awooda iyo dhaqalaha dawlada.

Cidamada layuuuga  ayaa iyagu ahaa kuwa falkan sameyay sida ay kucadeyen odayashaa mutaa kasoo hadlayay. Ugu danbayntii waxaa lagasoo saaray baaq:-

1) Jaaliyadu waxay kadigaysaa in colaadii mudada dheer Ka jirtay  gobolka iyo shacbka wallaaha ee wada dagan dib logu celiyo

2) Jaaliyadu waxay u aragtaa In Madaxweynuhu uu barakcinta shacabka Rer fiqi omar uu kaleyahay inuu isku dhufto shacabka iyo qabilada wada Dagan mesha isaga oo Raba inuu ku gaaro dano kale

3) Jaaliyadu waxay ugu baqayasaa dhamaan cidkasta oo ay qusaysaba in laga joojiyo dhibataynta shacabka iyo barakicinta lagusameynay dadka rer fiqi omar

4) Ugu danbayntii jaliyadu waxay goaan satay hadii madaxweynuhu uu arintan talabo sax ah kaqadan waayo inay jaaliyadu ka goosato xiriirkii ay lalahayd dawlad degaanka somalida Ethiopia. Kana tashan donaan talabada xigta.