Dagaalkii Gaalkacyo oo saameeyay magaalooyin

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaalo labo maalin oo kala ah 22-kii November iyo 28-kii Nobembar ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa noqday kuwo saameyn dadban ka yeeshay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Micnaha dhanka saameyn ayaa ah mid aan ula jeedno sida looga hadal hayo magaalooyinka dalka Soomaaliya, iyadoo hadal heyn ay kusii badan yahay hadba magaalada ku dhow magaalada Gaalkacyo masaafo ahaan.

Goobaha dadweynha ku kulmaan, ee ku yaala magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya ah ayaa waxaa kuusoo baxaya in si isku mid ah looga wada hadal hayo xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug.

Wariyaasha Caasimada Online ee gobolada dalka ayaa so sheegaya in magaalooyinka ay kusii kala saameyn badan yihiin dagaalada magaalada Gaalkacyo,  waxaana sababaha lagu sheegay iney tahay in magaalooyinka aadka looga hadal hayo yihiin kuwo ay kasoo kala jeedaan dhinacyada dagaalamaya.

Hadal heynta ugu badan ee dagaalada Gaalkacyo ayaa waxay ka taagan magaalooyin badan haddana waxaa la sheegay iney ugu sii daran yihiin magaalooyinka Cadaado, Kismaayo, Garowe, iyo Muqdisho, walow ay jiraan in magaalooyinka dalka oo idil laga hadal hayo.

Hadal heynta dagaalada Gaalkacyo ayaa ka duwan sidii loo hadal heyn jiray dagaalo qabaa’ileedka ka dhici jiray gobolada kale ee dalka, waxaana loo sababeeyay labo arimood.

Waa tan koowaad dagaalka oo ah midkii ugu horeeyay oo dhex mara labo maamul uu deris ah tan iyo markii dowlada Soomaaliya ay qaadatay nidaamka Federaalka, kaasi oo haddana dhexmaray labo maamul oo markii horeba siyaasad ahaan is diidanaa dushana iska eeganayay.

Arinta kale ayaa lagu sheegay iney tahay qaabka uu dagaalka ku bilowday oo ah mid sahlan oo laga hishiin karay, balse xaalada kasii dartay markii Puntland damacday iney xoog ku dhisto waddo soo gasha dhanka maamulka Galmudug,iyadoo aan lagu qancin dhaqaalo ahaan iyo hadal ahaanba.

Waxaysa hadal heynta sii xoogeysatay markii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka degay magaalada Garowe oo dad badan u fasirteen isbaheysi qabiil.

Warbaahinta ayaa sidoo kale siyaabo kala duwan  wali u hadal heysa dagaalkii Gaalkacyo, taasina waxay sahashay in dadweynaha sii xiiseeyaan hadal heynta xaalka Gaalkacyo.

Wali Xiisada magaalada Gaalkacyo ayaa taagan mana ahan mid xal laga gaaray, waxayna u muuqaneysaa in hadal heynta ay sideeda ahaan doonto ilaa xal laga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com