Gaas oo lasoo shartagay hadal ka yaabiyay DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa lasoo warinayaa inuu ku gacanseeray in uu horfadhiisto Madaxweynaha Galmudug C/kariin Gulleed.

C/wali Gaas ayaa sheegay in marnaba uusan horfadhiisan doonin C/kariin Gulleed, waxa uuna tilmaamay in arrin waliba oo ku saabsan Colaada Gaalkacyo uu kala hadli doono Wafdiga DFS iyo Odayaasha, iyagana ay usii gudbin doonaan maamulka Galmudug.

Wararku waxay sheegayaan in Hoggaamiyaha Puntland ka cudur-daartey in uu la kulmo Cabdikariin Xuseen Guuleed, ka hor inta odoyaasha dhaqanka ee horey ugu jirey wada hadalka ay go’aan ka gaarayaan wixii Gaalkacyo ka dhacay, 22 iyo 28 Nov 2015.

Puntland ayaa sheegtey in odayaashu markii ay go’aan garaan, laga wada hadli karo wixii kale ee arrimo siyaasadeed ah ee u dhexeeya iyaga iyo Galmudug.

Wafdiga DFS ka jooga Gaalkacyo ayaa carro ka muujiyay is bedelada is xigxiga ee Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, waxaana la filayaa in Odayaasha Puntland kala xaajoodan wax waliba oo suuragal ah in lagu xalin karo Colaada taagan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa hadda ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo, halkaasoo isaga iyo dhiggiisa Jubbaland, Axmed Madoobe ay kula kulmeen waxgaradka Puntland, balse lama oga wixii kasoo baxay kulammadaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com