Xog: Axmed Madoobe oo ololo ugu jira 2 arrin oo uu ugu hiilinayo Cabdi Weli Gaas iyo PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland Axmed Madoobe oo wali ku jira safaro u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa lasoo warinayaa inuu ku howlan yahay qorshooyin dadban oo uu ugu hiilinaayo Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Axmed Madoobe ayaa lasoo warinayaa in Wafdiga DFS ka jooga Gaalkacyo uu ka dhaadhicinaayo qaabka ugu haboon ee looga gudbi lahaa Colaada maalmaha jirsaday, waxa uuna ku talinayaa in marka hore la qanciyo Maamulka Puntland bacdamaa C/weli Gaas uu ku andacoonaayo in DFS ay garab siineyso Maamulka Galmudug.

Axmed Madoobe oo ka duulaayo cawaaqibta maamulka Puntland ka heysata Colaada ka taagan Gaalkacyo ayaa madaxda DFS ee ku sugan Gaalkacyo ugu baaqay inay fuliyaan laba arrin oo uu sheegay inay xal u noqon karto colaada taagan.
Madoobe ayaa Wafdiga DFS ka jooga Gaalkacyo usoo bandhigay 2 arrin oo kala ah:

1-In dhismaha laamiga uu dagaalka ka bilowday loo kala qeybiyo laba wado islamarkaana la kala siiyo labada maamul ee colaada u dhexeyso.

2-Inaan la faragalin ciidamada Puntland ee fariisimaha ku leh aaga kala qeybiya labada maamul islamarkaana Galmudug dhowr KM dib loo durjiyo, iyada oo laga duulaayo tabashada maamulka Puntland, si xal waara looga gaaro colaada suuragalka ah inay soo laalaabato.

Axmed Madoobe oo bilowga safarkiisa xalinta Colaada ahaa mid dhex dhexaad ah ayaa iminka u go’ay garabsiinta C/weli Gaas oo isaga sheegay in lagu soo duulay, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Axmed Madoobe uu diiday in xad gudub lagu sameeyo maamulka Puntland.

Wafdiga DFS ka jooga Gaalkacyo ayaa ka biyo diiday inay dhinac ka noqdaan Khilaafka labada maamul, waxa ayna ku gacanseeren inay qaatan labada arrin oo uu soo jeediyay Axmed Madoobe.

Dhanka kale, wafdiga DFS oo ay cadaadin xoogan ka heysato dhanka Villa Somalia ayaa doonaaya in shuruud la’aan ay ku xaliyaan colaada, waxa ayna si cad uga hor imaaden inay qaatan shuruud ay wataan labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com