Cabdi Welli Gaas oo aqbalay 4 qodob oo ay isla garteen Cabdi Kariin Guuleed & CC Sharmaarke

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Puntland Cwelli Maxamed Cali Gaas iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid ayaa duhuradii maanta kusoo idlaaday magaalada Gaalacyo.

Kulanka oo ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa labada masuul ay kaga hadlayeen sidii maamulka Puntland diyaar ugu noqon lahaayeen dhameynta xiisada colaadeed ee wali ka taagan magaalada Gaalkacyo.

C/welli Gaas ayaa kulan saacado qaatay kadib aqbalay afar qodob oo shalay isku fahmeen madaxweynaha maamulkaGalmudug C.kariin Xuseen iyo iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Qodobada waxaa kamid ahaa:-

1 in la kala qaado ciidamada isku horfadhiyo magaalada

2 in xabad joojin waarta lagu dhawaaqo lana dhaqan geliyo

3 in dib loosoo celiyo dadkii ka barakacay magaalada iyo

4 In Dib u hishiisiin dhab ah bilaabaan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland uu wali diidan yahay inuu la kulmo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Kariin Xuseen Guuuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com