Xog: Axmed Madoobe oo garoonka Kismaayo ku diyaarinaya ciidamo gurmad u ah PUNTLAND.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maamulka Jubbaland uu ku howlan yahay diyaarinta Ciidamo la qorsheynaayo inay ka barbar dagaalamaan Ciidamada Puntland.

Cabdirashiid Macallin Gaas oo ka mid ah Saraakiisha DFS oo ku sugan duleedka Kismaayo ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusii hurinaayo Colaada ka taagan Gaalkacyo ee u dhexeysa Ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Cabdirashiid Gaas oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu diyaarinaayo Ciidamo la doonaayo inay ka barbar dagaalamaan kuwa Puntland, waxa uuna sheegay in Ciidamadaasi qaab qarsoodi ah lagu geyn doono Gaalkacyo.

“Aniga ma ku dhahaayo waa la qaaday balse waxaan la socdaa in lagu uruurinayo Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo lana doonayo in la geeyo Gobolka Mudug si ay u xoojiyaan Ciidamada Puntland”.

Axmed Madoobe oo isagu horboodaya qorshahaani ayaa waxa uu hadda si cad ula saftay Madaxweynaha Puntland waxa uuna dhowr jeer sheegay inuu rumeysanaayo in dagaalka ka socda Gaalkacyo ay ku jiraan Ciidamo taabacsan DFS.

Haddalka Cabdirashiid Macallin Gaas, ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo isagoona diiday inuu meel kula hoydo Wafdiga DFS iyo kuwa Gobolada ee hadda ku shirsan Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com