Gaas oo ka hor yimid qaar ka mid ah qodobadii laga soo saaray shirka Gaalkacyo (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dadaallada uu hormuudka ka yahay RW Somalia Cumar C/rashiid ee Gaalkacyo ka socda, kuwaasoo lagu dhex-dhexaadinayo maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhawaan ay iska horimaadyo ku dhexmareen magaaladaas.

Wafdigaani ayaa hadda soo afjarey wejigii hore ee wada hadalka, waxaana lasoo warinayaa in kulamo ka dhacay dhanka Gaalkacyada Puntland lagu gorfeeyay 4 qodob oo maalinimadii shalay laga soo saaray shirka Gaalkacyo wajigiisa koowad.

Wafdiga ka socda dhanka DFS iyo kuwa Gobolada ayaa kulan la qaatay maamulka Puntland, waxaana Puntland sheegtey in ay diyaar u tahay nabad in lagu wada noolaado markastana ay iyada ahayd tan dulqaadkeeda lagu joogay, sida ay hadalka u dhigtay.

Madaxda iyo Odayaasha Puntland Qodobada afarta ah ayey soo dhaweeyeen inkasta oo ay ka cudur-daarteen qodobka afaraad ee ah samaynta guddi wada hadal.

Puntland ayaa ergada u sheegtey in odoyaasha dhaqanka ee arrinta ku jirey fursad loo siiyo in ay dhameeyan wixii ay bilabeen, taas oo ay la qaateen ergadii dhex-dhexaadintu.

Diidmada qodobka afaraad ayaa waxaa si cad uga hor imaaday Madxaweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas, waxa ayna taasi muujineysaa in Puntland aysan la dhacsaneyn waxyaabaha ka socda Gaalkacyo iyo dadaalada ay wadaan wafdiga DFS.

Dhanka kale, Qodobka afaraad ee ah dhismaha Guddi dhex dhexaadin ah ayaa ahaa qodobka ugu muhiimsan ee loo mari lahaa wadada lagu xalin lahaa Colaada, hayeeshee waxaa muuqata in Puntland ay sii hurineyso colaada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com