Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia oo si aan laga fileynin uga hadlay xiisada ka taagan Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumada Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadlay xaalada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee u dhexeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Farmaajo oo u waramaayay D.R ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay wakhtiga lagu soo beegayo dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo, waxa uuna ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu hakiyo dagaalka.

Farmaajo oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa tilmaamay in xiliga lagu jiro uusan munaasab u arag in Maamulada dalka ay ku dagaalamaan dhul ama wado, taasi oo uu ku sheegay mid aan laga fiirsan dhibaatooyinka laga dhexli karo.

Waxa uu ugu baaqay Maaamulada Galmudug iyo Puntland inay dhowraan wada noolanshaha Dadka degan Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in iminka aan loo baahnayn in Dagaalo lagu barakiciyo dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Ugu danbeyntii Farmaajo ayaa ka digay in mashruuc laga dhigo dagaalada soo noqnoqonaaya ee ka taagan Gaalkacyo, waxa uuna ku taliyay in laga fakiro shacabka ku nool deegaanada lagu dagaalamaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com