Xog: Cabdi Weli Gaas oo wali ku adkeysanaya 3 qodob oo aan u cuntameynin C/kariim GUULEED

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan kasoo xiganay xubno ka tirsan DFS oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas uu cagajiid ka sameynaayo in laga gudbo xiisada maamulkiisa kala dhaxeysa Galmudug.

Xogta aan heleyno ayaa tibaaxeysa in C/weli Gaas uu xujo ka dhigay qodobo isaga maslaxo u ah balse Madaxweyne C/kariin Gulleed uu ka biya diidan yahay fulinteeda waxaana kamid ah qodobadaasi:

1-In ciidamada Galmudug gabi ahaan laga saaro jiida ay hadda kaga sugan yihiin Gaalkacyo.

2-In DFS iyo Galmudug ay si wada jir ah raali galin uga bixiyaan duulaanka mideysan oo ay kusoo qaaden Puntland.

3-In Galmudug ay Puntland u fasaxdo dhismaha wadada ee qabyada ah, islamarkaana gabi ahaan dhulkaasi laga kaxeeyo Ciidamada Galmudug ee hadda fariisimaha ka dhigtay.

Madaxweyne C/kariin Gulleed ayaa ka hor imaaday qodobadaasi waxa uuna si cad u sheegay in maamulkiisa ay ku adag tahay in qodob kamid ah qodobadaasi uu fuliyo maamulkiisa.

Ra’isul wasaare Cumar iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia C/raxmaan Odawaa ayaa iyaguna dhankooda ka hor imaaday qodobadaasi waxa ayna C/weli Gaas ka dalbadeen in mudada xalka lagu guda jiro uusan gogosha la imaan wax xujo ah.

Kulamada oo wali ah kuwo socda ayaa u muuqanaaya in Wafdiga DFS aysan ku xalinkarin Colaada maalmo, kadib markii C/weli Gaas uu colaadaasi uga faa’iideysanaayo baahiyihiisa gaarka ah.

Ma cadda natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi doota kulamada qabyada ah, markii laga soo tago 4 qodob oo si KMG ah loo go’aansaday in lagu qaboojiyo xiisada taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com