Gaas oo diiday codsi uga yimid XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa la soo sheegayaa in magaalada Muqdisho uu ugu yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Ujeedka uu madaxweyne Xassan ugu yeeray Gaas ayaa la xiriira colaada kala dhexeysa maamulka Galmudug iyo hadalkii maalmo ka hor kasoo yeeray Gaas ee ahaa in Madaweyne Xassan uu la socdo dagaalka Gaalkaco islamarkaana ciidamo ka tirsan DF ay ka garab dagaalamayan kuwa Galmudug.

Madaxweyne Gaas ayaa ku gacanseeray dalabka Madaxweyne Xassan ee ahaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho kadib markii uu cudur daar ka dhigtay inuu u guda gali doono xalinta khilaafaadka maamulkiisa.

C/weli Gaas ayaa aad uga careysan DFS kadib markii ay dhowr maalin ay ka aamusneyd Colaada ka ololeysay magaalada Gaalkacyo, taasi oo dhalisay inuu DFS dusha uga tuuro dhaliil la xiriirta inay hubeyneyso Maamulka Galmudug.

Docda kale, Carada madaxweyne C/weli Gaas ayaa salka ku heysa itaal darida maalmihii dagaalka ku habsatay Ciidamada Maamulkiisa oo hal xaafad leysugu geeyay taasi oo ku qasabtay inuu maciin baddo in DFS uu dusha u saaro si ay usoo faragaliso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com