Danjiraha Soomaaliya ee QM oo jeediyay qudbad dhinacyo badan taabaneysa (Daawo)

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobay Amb. Abukar Daahir Cusmaan (Baalle) ayaa waxaa uu ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabaneysa golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay isagoo ka hadlayay qaraar loogu cusbooneysiiyay muddo hal sano ah kooxda kormeerka Soomaaliya iyo Eriteriya (SEMG).

Fadhiga oo lagu ansixiyay hindisaha qaraarka muddo kordhinta kooxdaas, ayaa waxaa ka hadlayay danjirayaasha wadamada Ingiriiska, Jabuuti, Masar, Eritereeya.

Amb. Abukar Baalle ayaa si qayaxan uga hadlay in looga fadhiya Qaramada Midoobay in aay soo dedejiso in Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta hubka, wuxuuna ku nuuxnuuxsday in Soomaaliya aay hadda gabagaba tahay dhismaha ciidan qaran oo loo dhan yahay, balse inta aay cunaqabateynta aay jirto aay keeni karto dib u dhac ku yimaada dhismaha ciidan qaran.