Video: Muuqaalka gaarigii ku qarxay isgoyska Zoobe ka hor inta uusan fulin qaraxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo bil ah laga joogaa Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Soobe 14-kii Bishii hore.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday Gaari TM ah, ayaa waxaa naftooda ku waayay dad gaaraya 400 ruux, kuwaasi oo ahaa shacab Isgoyska ku sugnaa xilliga uu qaraxu dhacaayay.

Dadka la arkay hilbahooda waxaa ka farabadnaa kuwa aan la arag raqdooda ee weli ay saadaalinayaan reerkooda, waxa uuna Qaraxaani noqonayaa mid ku qormay qalbiga Umadda Soomaaliyeed.

Isgoyska Soobe oo kamid ah isgoysyada ugu mashquulka badan ee Muqdisho ayaan weli soo kabsan, waxaana la dareemayaa saameynta qaraxu uu reebay.

Ganacsigii badnaa ee ka jiray isgoyska Soobe weli dib uma soo laaban, sababtoo ah qaraxa ayaa burburay dhamaan goobihii ganacsi.

Baaritaano dheer kadib waxaa hadda la helay muuqaal kooban oo ku saabsan qarixii ka dhacay Isgoyska Zoobe bil ka hor 14 Bishii Octooper ee Sanadkaan.

Muuqaalkaan oo ay duubtay kaamirada Qarsoon ee loo yaqaano CCTV ayaa waxa uu muujinayaa Gaariga inta uusan qarxin oo la arkayo iyo sida ay Goobta u tahay mid mashquul badan.

o