DF oo qirtay dhibaato ka taagan baasaboorka casriga ah ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay la socto dhibaatooyinka ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku qabaan Baasaboorka xiliyada ay safarka yihiin.

Wariirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar oo ka hadlaayay arrinta Baasaboorka ayaa tilmaamay inay ku howlan yihiin xal u helida, waxa uuna carab dhabay in muwaadiniinta qaarkood aan loola dhaqmin sida inay wataan Baasaboor sax ah.

Wasiir Garaad waxa uu sheegay inuu culeys ka jiro Baasaboorka Soomaaliga oo intiisa badan taagan xiliyada ay muwaadiniinta u socdaalan wadamo ay kamid yihiin kuwa deriska la ah Somalia.

Wuxuu sheegay wadamada qaarkood Baasaboorka Soomaaliga in aysan aqoonsaneyn, ama culeysyo gaar ah ay saarayaan, taas bedelkeeda wuxuu codsaday in wadamadaas ay yareeyaan culeyska jira.

Waxa uu Garaad tilmaamay in dhammaan wadamada muhiimka ah uu kala hadli doono aqbalaada Baasaboorka xiliyada ay safarka yihiin muwaadiniinta Soomaalida ah si ay u gutaan qorshooyinkood Safar.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in wadanka Hindiya uu kala soo heshiisyay in ay ardayda iyo dadka xanuunsan ee Soomaaliyeed u fududeeyaan Viisaha.

Geesta kale, waxa uu Wasiirka cod dheer ku sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay Wasaaradiisu la kaashan doonto hanaanka lagu fududeyn lahaa in Baasaboorka Somalia lagu aado dhammaan dalalka afrikanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com