Xog: Qarashka Puntland uga baxey ka hortaga doorashada Somaliland & fashil dhacay

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan mudanyaasha Barlamanka isugu yimaadeen 7 Nov, 2017 kana soo saareen go’aan ah in golaha xukuumada si deg deg u qadaan talaabo ay ku ilaalinayaan xuduudaha Puntland la wadaagto Somaliland iyadoo laga hortagayo sanaadiiqda doorashada, ayaa lagu ogaadey kharashka siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ku codsadeen iney barnamijkaas kaga hortagyaan.

Xubnaha siyasiyiinta labada gole kaga jira gobolada ( Sool, Sanaag iyo Cayn) kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Puntland ayay ku dalbadeen lacag, gadiid iyo agab kale oo ciidan oo ay la aadaan degaanadaas.

Xogtaan ayaan ku ogaaney in xubnihii ka socdey gobolka Sanaag oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Barlamanka khasnada dowlada laga siiyey 40,000 USD, Gobolka Sool 20,000 USD waxaana u qaadey Wasiirka arimaha gudaha Puntland Axmad Karaash halka gobolka Cayn ay qaateen 30,000 dollar waxaana u qaadey Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka Puntland Xaaji Maxamad Yaasiin ( Xaaji Dheere).

Wararka ayaa sheegaya in qorshaha xaalad abuurka goboladaan oo socotey tan iyo intii maamulka Somaliland qabsadey Lascaano ay mas’uuliyadeeda leeyihiin siyaasiyiinta gobolada ( Sool, Sanaag iyo Cayn) ugaga jira golayaasha dowlada Puntland madaama ay ku guuldareysteen iney la yimaadaan qorshe degaanadooda ku xasilinayaan. Ma jiro siyaasi kasoo jeeda goboladaas oo booqashooyin joogta ah ku bixiya degaamadaas kuwooda hoos yimaada Puntland gaar xubnaha kasoo jeeda gobolka Sool iyo Cayn.

Lacagtaan oo wadarteedu gaaresyay 100,000 USD ayaa inteeda badan siyaasiyiintaan ku qaybsadeen magaalada Garowe marka laga reebo waftiga Wasiirka amniga Puntland hogaaminyey oo iyagu booqashooyin rasmiya ku soo baxshey magaalada Baran iyo Dhahar.

Gobolada Sool iyo Cayn oo iyagu xubnahooda labada gole kaga jira dowlada Puntland ku qaateen barnaamijka ka hortaga sanaadiiqda Somaliland gaareysay 50,000 USD ayeysan jirin wafti ka ambabxey magaaada Garowe oo tagey deganaada gobolkaas ay codbixintu ka dhecysey sida magalada Taleex oo 90km u jirta xarunta maamulkaan.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka Puntland ayaa lacag gaareysa 30,000 dollar oo loogu talagaley in safar loogu aado degaanada sanaadiiqda la keeney, gurigiisa la seexdey, iyadoo markii dambe xubno ka tirsan labada gole dacwo ugu tageen madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Sida Xogtaan sheegeyso Madaxweyne ku xigeenka ayaa Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka ( Xaaji Dheere) ugu yeerey hoyga uu ka dagan yahay magaalada Garowe iyadoo ay goob joog yihiin xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda gobolka Cayn halkaas oo lagu waydiiyey in lacagta uu dib ugu soo celiyo.

“Xaaji oo ka careysan sida lacagta loo waydiiyey ayaa lacagtii miiska lagu wadahadlayey ku soo tuurey iyadoo madaxweyne ku xigeenku damcey inuu dib u siiyey 1500dollar balse diidey isagoo ka baxey kulankii ka socdey aqalka Camey” sidaas waxaa sheegey qof ku sugnaa kulankaas oo diidey in magaciisa aan sheegno.

Lacagtaan oo gacanta madaxweyne ku xigeenka Puntland gashey ayaa wararku sheegayan in aysan jirin wafti balaaran oo ka tirsan xubnaha kasoo jeeda labada gole oo ugu ambabaxey degaanada hoos yimaada gobolka Cayn marka laga reebo Wasiiru dowle ka tirsan wasaarada qorsheynta iyo agaasime maamul kuwasoo Mudane Camey u direy degaan ka tirsan gobolkaas.

Labadaan xubnood ee u ambabaxey degaan hoos yimaada gobola Cayn ayaa warsidaha Garowe online ogaadey in ay gaareen halkaas iyadoo dadkii daganaaa intoodii diwaan gashaneyd codeeyeen.

Guud ahaan doorashooyinkii Somaliland oo ka dhacey gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa lagu qabtey gobohii maamulka Somaliland u asteyeey in laga codeeyo iyadoo dad la socda siyaasada Puntland sheegayaan in dadka dagan Sanaag Barri ee hoostagta mamaulka Puntland u badnaayeen diidamada doorashadii dhacdey 13 Nov,2017 marka loo eego gobolka Sool oo isagu degmooyinkiisa oo dhan laga codeeyey.

Magaalada Garowe ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan ay jireen dad dagan oo kasoo jeeda gobolka Sool oo maalinta codbixinta 13 Nov, 2017 u safreen iney kasoo dhiibtaan codkooda gobihii ay ka diwaan gashanaayeen.

Isha: GO