Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo wareysi siiyay idaacadda Dalsan ee Muqdisho, ayaa waxaa uu ka hadlay arrin la isla dhex marayey muddooyinkii ugu danbeyay oo ah in loo magacaabi doono guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo duqa Muqdisho.
Waxaa uu sheegay inuu yahay shaqaale ka tirsan Dowladda Somalia, islamarkaana uu diyaar u yahay shaqo kasta oo ay Dowladda u magacaawdo inuu qaboto.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya u fadhiya ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu tixgaliyo guddoomiyaha gobalka Banaadir Muungaab, oo aan xilkiisa tuhun la gelin ama laga had hadlo.
Waxa kale uu Maxamed Cali Ameeriko sheegay inuu ku qanacsan yihiin xilka iminka uu u hayo Soomaaliya ee safaaradda Kenya, uuna wax olole ah ugu jirin qabashada xil kale, balse mar kasta uu diyaar u yahay shaqadii loo dhiibo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

