Danjire HAYSOM oo war ka soo saaray mowqifkiisa ku aadan midnimada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Somalia Nicholas Haysom, ayaa daboolka ka qaaday in isbedel dhan waliba ah uu ka hirgalin doono Somalia.

Nicholas Haysom, waxa uu sheegay inuu leeyahay qorshooyin gaara oo sanadle ah, waxa uuna meesha ka saaray in khilaaf uu soo kala dhexgali doono isaga iyo dowlada Somalia.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inuu kala shaqeyn doono dhan waliba, isagoo carab dhabay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan midnimada Somalia oo uu sheegay inay muqadas tahay.

Nicholas Haysom oo ku sugnaa Xarunta dowlada hoose ayaa yiri “Qorshooyinkeenu maaha inaan ka meermeerno xaqiiqda, waxa aan qaadeynaa talaabooyin lagu hormarinaayo midnimada iyo danaha qaranimada Somalia”

Nicholas Haysom, waxa uu meesha ka saaray in QM ay ka hor imaan doonto mowqifka dowlada, waxa uuna taa bedelkeeda carab dhabay inay ka shaqeyn doonaan danaha DFS.

Nicholas Haysom, ayaa xarunta kaga dhawaaqay in xafiiskiisa uu u furan yahay cid waliba oo daneyneysa midnimada Somali, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay aad uga fogaan doonaan wixii dhib ku ah Qaranimada Somali.

Sidoo kale, Nicholas Haysom, ayaa cadeeyay in Somalia ay ka dhabeyneyso dareenkeedii ahaa Horumar, waxa uuna aad u bogaadiyay isbedelda dhanka amaanka ee ka jira Somalia.

Haddalka Nicholas Haysom, ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Somalia ay ku dadaaleyso in dhamaan wixii ku saleysan khilaafkeeda ay uga maarmi laheyd inay xaliyaan wakiilada saaxiibada caalamka u jooga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com