Sacuudiga oo Mareykanka siiyey 100 milyan, Sabab?

New York (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhaqaale xoogan ku wareejisay dowlada Mareykanka taasi oo si rasmi ah ugu dhacday Khasnada Dowladda Maraykanka.

Qoraal lagu daabacay Wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay in dhaqaalahaasi uu dhan yahay 100 Million Oo Dollar.

Wargeyska oo xiganaaya mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Sacuudiga ayaa sheegay in lacagtaasi ay tahay mid lagu xoojinayo dadaalka ay dowlada Maraykanka ka wado dalka Syria kaa oo looga sifeynayo Daacish.

Lacagta boqolka million ee Dollar-ka Mareykanka ayaa sidoo kale lagu caawin doonaa muwaadiniinta Syria ee la doonayo in dib loogu celsho goobaha laga saaray Daacish.

Bixinta lacagta ayaa timid xili magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga uu booqday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mike Pompeo oo kulamo khaasa la qaatay Madaxda ugu sareysa dalka Sacuudiga.

Sidoo kale, dowlada Sacuudiga ayaa lacagtaasi bixisay xili uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay cunaqabateyn iyo ciqaab ka dhan ah sacuudiga hadii lagu helo cadeymo muujinaya dilka saxafiga maqan ee Jamal.

Dowlada Sacuudiga ayaa weli laga sugayaa jawaab ku adan dilka Saxafiga Jamaal Khashoggi, kaasi oo bishan 2-dii lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaallada Istanbul ee dalka Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com