Lindsey “Bin Salman ayaa lahaa qorshaha lagu dilay suxufi Jamal Khashoggi”

Washington (Caasimada Online) – Sanater u dhashay dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga laga doonayo in Siyaasada dalkeeda ay ka saarto dhaxalsugaha dalkaas Mohammed bin Salman.

Seneter-ka mareykanka ee lagu magacaabo Lindsey Graham, ayaa sheegay in Bin Salmaan uu yahay shaqsi aan mudneyn inuu kasii mid noqdo maamulka boqortooyada ee hadda jira.

Seneter Lindsey Graham, ayaa sheegay in Bin Salmaan uu lahaa qorshaha lagu khaarijiyay Jamaal Khashoggi, waxa uuna arrin aad u foolxun ku sheegay in Bin Salmaan uu kasii dhex shaqeeyo Aqalka looga arrimiyo Sacuudiga.

Seneter Lindsey Graham, waxa uu tilmaamay in Bin Salmaan uu ku eedeysan yahay in uu sumcad u geysanayo sharafta dalkaas taasina looga badbaadi karo keliya in meesha laga tuuro.

Graham,ayaa u sheegay warbaahinta Fox News in uusan u safri doonin sacuudiga,inta uu xilka hayo boqor Bin Salman oo uu cadeeyay inuu yahay gacan ku dhiigle, sida uu hadalka u dhigay.

Seneter Lindsey Graham, ayaa sheegay hadii hadalkiisa la qaadanayo ay shacabka Sacuudig culeyska saran sidii ay ku badali lahaayen xukuumada hada jirta,isaga oo intaa raaciyay in ay jiraan shaqsiyaad badan oo talada kala wareegi kara boqorka sacuudiga.

Sidoo kale, Seneter Lindsey Graham, ayaa dadka Sacuudiyaanka ah ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen hogaamiyeyaal ka wanaagsan boqorka oo xilka kala wareega.

Sidoo kale, Seneter Lindsey Graham, ayaa boqor salmaan ku sheegay in wada Khaldan uu ku socdo boqorka,waxaana uu intaa ku daray in uusan sii wadi doonin dalkiisa la shaqeynta sacuudiga ilaa ay jirto ficilada xun ee lagu eedeynayo.

Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa imaaneysa iyadoo madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay cunaqabateyn iyo ciqaab ka dhan ah sacuudiga hadii lagu helo cadeymo muujinaya dilka saxafiga maqan ee Jamal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com