PUNTLAND oo shaacisay khatarta ay ajaaniibta ku hayaan deegaanadeeda

Garoowe (Caasimad Online) – Hogaamiye ku-xigeenka maamul gobaleedka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey, ayaa daboolka ka qaaday inay korortay tirada ajaaniibta dalka soo galeysa.

Camey oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay sii lumeyso tirada diiwaanka ajaaniibta kusoo qulquleyso Somalia, gaar ahaan deegaanada Puntland.

Hal sano gudaheeda ayuu sheegay Camey in ay degaanada Puntland yimaadeen tiro ajaaniib ah oo aad  ufara badan.

Waxa uu tilmaamay in kororka oo xad dhaafay ay keeneyso in ay ka bataan dadkii u dhashay dhulka hadii aan xad loo sameynin soo galootiga ajaanibta ah, sida uu hadalka u dhigay.

Camey, oo ka duulaya kororka ajaaniibta ayaa Hay’adaha amniga ku amray inay qabsadan shaqooyinkooda oo si dhab ah ay u hawlgalaan si loo kala saaro ayuu yiri kuwa sharciyeysan iyo kuwa sharci darada ku jooga deegaanka.

Waxa uu ajaaniibta qudhooda ugu baaqay in ay soo maran wadada sharciga ah si looga warqabo xaaladooda.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Wadan la iska galo oo sida la doona la iska yeelo ma jiro, hada waxaa dowladda qasab ku noqotay inay kontoroosho dadka soo galootiga ah, wixii hore walaaltinimo ayay aheyd”

“Waxaa muhiim ah in lala socdo dadka soo galaya dalka haddii ay wax gaaran waa la qeylinayaa, haddii xaaladu tahay caadi ma ogola sharciga ay nagula joogan”

Geesta kale, Camey ayaa madaxda Gobolada iyo kuwa Hay’adaha amaanka ku amray inay si hufan u gutaan waajibaadkooda oo ay la socdan dhaqdhaqaaqa ajaaniibta.

Caasimad Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com