Wasiiro dibadeedyada Itoobiya iyo Eritrea oo kusoo wajahan Xamar

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inay saaka xiran yihiin inta badan jidadka Mukka Al-Mukarama.

Jidadka ayaa waxaa lasoo dhigay ciidamo badan oo isugu jiro Militari iyo Boolis waxaana Maanta Magaalada kusoo wajahan wafdi Caalami ah.

Wufuuda kusoo wajahan Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiirada Arrimaha Debadda ee Wadamada Eretrea iyo Itoobibiya.

Osman Saleh Mohammed oo ah Wasiirka Arrimaha Debadda Eretera iyo Dr Workneh Gebeyehu oo ah Wasiirka Arrimaha Debadda Itoobiya ayaa imaanayo Magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda.