Daraasad cusub oo shaaca ka qaaday awoodda ciidan ee Ahlu-Sunna Waljamaaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka SPA (Somali Public Agenda) oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray daraasad (Cilmi baaris) uu kaga hadlayo waxa keenay soo rogaalcelinta Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe.

Xoogagga Ahlu-Sunna oo daba-yadii bishii February ee sanadkii 2020 looga adkaaday dagaalkii Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib u soo rogaalceliyay bartamihii bishii September ee sanadkan. Xoogagan ayaa 1-dii bishii October la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel, iyadoona dagaal dhowr cisho socday ay magaaladaasi kula galeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, ka hor intii aanay daba-yaaqadii bishaasi dib uga bixin.

Dagaalkaas oo dad badan oo saraakiil ay ku jiraan ku dhinteen ayaa muujiyay in Ahlu-Sunna weli tahay cudud ciidan oo saamayn ku leh Gobolada Dhexe, marka aad eegto in afar boqol oo dagaal-yahanadeeda ka mida ay u babac-dhigeen dhowr kun oo isugu jira ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudugba. Saraakiisha Ahlu-Sunna waxay bishii November sheegeen in Guriceel uga baxeen dhexdhexaadin ay garwadeen ka ahaayeen odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada deegaanka.

Dasaaradda Machadka SPA oo Khamiistii lagu soo bandhigay caasimadda Muqdisho ayaa lagu sheegay in soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna ay ka dhalatay carro badan, oo ay ka muujisay qaabkii loola dhaqmay.

Cilmi baarista ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jireen fursado muhiim ahaa oo la dayacay, ka hor inta aanay Ahlu-Sunna isa soo abaabulin, dibna ugu soo laaban deegaankii ay ka arrimineysay dhowr iyo tobanka sano.

Farxaan Isaaq Yuusuf, Agaasimaha Machadka SPA ayaa sheegay inaanan Ahlu-Sunna laga daba tegin, oo wada xaajood lala samayn, ka dib markii looga adkaaday dagaalkii Dhuusamareeb.

“Markii laga adkaaday magaalada ayay ka taggeen, Gaalkacyo ayay taggeen oo ay ka sii taggeen, markii laga adkaadayna ma dhicin dib-u-heshiisiin, soo dhaweyn, ka daba tegid iyo wada hadalo lala furo. Taas waxay keentay tabasho ay qabaan Ahlu-Sunna Waljameeca, maadaama ay ahaayeen maamul ka talinayay deegaanka muddo toban iyo laba sano ku dhawaad ah oo maamul jiro ahaa. Dowladda Soomaaliya ayaa wada hadal la gashay, markii hore oo maamul la sameynayay ay ogolaadeen, xubnana la siiyay, haddana intii ay filanayeen wax ka yar ayay ula muuqatay ayaga,” ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha Machadka SPA ayaa sheegaya inaanay weli muuqan dadaalo uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) wax kaga qabanayo tabashada Ahlu-Sunna.

“In wada hadal lala furo Ahlu-Sunna Waljameeca oo lala heshiiyo waxay ahayd xalka ugu fiican, oo dagaal dhacaa oo soo laabasho Ahlu-Sunna WalJameeca ah iyo xoog wax lagu raadiyaa ka hortaggi lahaa, maysan dhicin.” Ayuu yiri Farxaan Isaaq Yuusuf, Agaasimaha Machadka SPA.

Waxa kaloo uu yiri “Arrimo kaloo fara-badan ayaa jirta ayadana ay meesha ka muuqato farsamo ahaan markaad fiirisid, inaysan jirin xog iyo xooraansi oo looga hortaggi lahaa ama xitaa ka warhayn imaanshahooda ah, ma jirin.”

Farxaan Isaaq ayaa tilmaamay, haddii sidii hore wax ku sii socdaan, lana xalin tabashada Ahlu-Sunna ay markaasi halis gelin karto amniga aan cagaha badan ku taagnayn ee Galmudug ka jira.

“Ahlu-Sunna WalJameeca ciidan ahaan hadda lagama adkaanin, inta laga adkaaday hoggaankoodii lama soo qaban, ciidamadii ka tirsanaa lama soo qabanin, lamana afjarin jiritaankoodii. Way jiraan oo waa xoog jira oo hubeysan oo joogga, kuna uruursan hadda qaybo ka mida Galmudug. Marka sii jiritaankooda waa mid halis ku haysa amniga iyo nabadda deegaanka, illaa iyo haddeer ma muuqdaan waan-waan iyo wada hadal lala furayo Ahlu-Sunna, oo wax looga qabanayo tabashooyinka ay qabaan, arrintaasi u muuqata haddii sidii hore wax ku socdaan oo labada dhinacba in xoog wax ku xaliyaan isku dayaan waxay halis gelin kartaa amniga yarka ah ee ka jira deegaankaasi.”

Dhawaan, Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa sheegay in iyagu ay doonayaan in arrinta taagan wada hadal lagu dhammeeyo, ha yeeshee uu Galmudug ku eedeeyay in taasi diidan tahay.

Ahlu-Sunna waxa ay Gobolada Dhexe dib ugu soo laabatay, xilli Madaxtooyada Galmudug ku howlan tahay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii