Al-Shabaab oo shaacisay in weerar is-qarxin ah ay ku dishay askar ka tirsan Amisom

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerar is-miidaamin ah oo Sabtidii shalay lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sida uu shaaciyey sarkaal la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo ah kolonyada qaraxa lala eegtay ayaa lagu soo warramayaa in qaraxyadan ay kasoo gaareen khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow taliska AMISOM uusan weli war rasmi ah kasoo saarin qaraxyadaasi is xig-xigay.

Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay weeraradaas ayaa shaaca ka qaaday inay dishay ugu yaraan shan askari, sidoo kalena ay gubtay gaadiid ka mid ah kolonyada AMISOM.

Xaaladda goobaha ay weerarada ka dhaceen ayaa maanta deggan, waxaana inta u dhexeysa Mahadaay iyo Jowhar haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada huwanta.

Shalay ayey aheyd markii qarax nooca miinada ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay xildhibaano ka tirsan HirShabelle uu ka dhacay gudaha magaalada Jowhar.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fulisa deegaanada HirShabelle, iyaga kasoo abaabula weeraradaas deegaanada ay ka heestaan gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii