Mowqifka madaxda maamul goboleedyada ee dalabyadii Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka dib ayey uga gurteen tallaabooyinkii waaweynaa, sida dhismaha Gole kumeel gaar ah, doorasho is garab socota ama awood ciidan.

Waxaa horay idinkugu sheegnay inay soo saari doonaan qoraal ay ku dalbanayaan in lagu saxo doorashada si ay uga qeyb-galaan, sidaas ayeyna sameeyeen. Qoraalkii ay mucaaradka soo daayeen wuxuu xambaarsanaa 7 arrimood:

1 – Joojin doorasho

Mucaaradka waxay mar kale ku celiyeen in la hakiyo doorashada socota oo la isugu yimaado shir lagu saxayo qaladaadka jira.

Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan in Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu raali ka yahay shirka noocaas ah, balse madaxda maamul Goboleedyada qaar ayaa diidan shirkaas.

Waxaa jira walaac ku saabsan qabsoomida shirkaas, iyadoo Qoor Qoor iyo Lafta Gareen la sheegay in aysan shirkaas xiiseyneyn.

2 – Habraaca

Mucaaradka waxay qoraalkooda ku dalbadeen in la turxaan bixiyo habraaca, si gaar ah waxay u dul istaageen habka loo marayo xulista Odayaasha, qorista Ergada iyo faafintooda, waxay kaloo farta ku fiiqeen u caddaalad sameynta musharixiinta u tartameysa kuraasta xildhibaanada iyo bixinta warqadda ogolaanshaha tartamaha.

Mucaaradka xilli hore ayey dood ka qabeen hab-raaca, jawaab fiicana lagama siinin, Saciid Deni ayaa mar loo xil saaray inuu mucaaradka kala doodo habraacaan awoodda badan siiyey madaxda maamullada, laakiin iyadoo aan mucaaradka taas laga qancin ayaa halkeedii looga dhaqaaqay.

Habraaca hadda la isticmaalayo wuxuu awood badan siinayaa madaxda maamullada, mana rabaan hoggaamiyaasha gobollada in wax laga badalo, maadaama ay faa’iido badan ku qabaan.  Sida ay u aqbali doonaan in la saxo habraaca ayaan la ogeyn.

3 – Fisiraada Tartamaha Labaad (Malxiis)

Mucaaradka waxay diideen kursi qof loo xirayo ama kuwa loo sameenaayo Malxiis lasii ogyahay in uusan tartame aheyn. Dhacdadaan ay mucaaradka farta ku fiiqeen waa midda xiisaha ka qaaday doorashada hadda socota, maadaama lasii ogyahay kursi walba cidda kusoo baxeysa.

Madaxda Maamulada waxaa ku jira damac xooggan oo ku aadan doorashada Federaalka ah, qaar waxay rabaan inay madaxweyne u tartamaan, mid waxaa ku jira damac guddoomiye Baarlamaan, qaarna waxay doonayaan inay musharixiin u dhistaan xilka madaxweynaha, sidaas darteed ma rabaan tartan furan.

Waxay doonayaan dad ay kuraas soo siiyaan oo ay Berri ku abaal sheegtaan, lamana yaqaan sida ay qodobkaan u qaadan doonaan.

4 – Kor Joogto

Mucaaradka waxay soo jeediyeen in kor joogto Soomaali iyo Ajnabi ah loo sameeyo doorashada socota, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galeyso Saxaafadda madaxa-banaan.

Qodobkaan waxaa macquul ah in la isla qaadan karo.

5- Kuraastii la boobay

Midowga musharixiinta mucaaradka waxay soo jeediyeen in lagu laabto doorashada Kuraastii la boobay, dhawaan laba kursi ayuu doorashadoodii diiday guddiga doorashada ee heer Federaal, laakiin weli dhinaca Koonfur Galbeed lagama aqbalin in lagu laabto kuraastaas.

Galmudug iyadana hal kursi ayaa looga dhagan yahay weli. Madaxda maamullada qaar waxay ku doodayaan in haddii ay bilaabato ku labashada kuraas inaan la maareyn karin Berri oo ay dhici doonto in kuraas badan lagu noqdo.

Qodobkaan waa mid culus oo dano badan oo is diidan ay dul yaalaan.

6 – Aargoosi Siyaasadeed

Mucaaradka waxay taabteen meel ay dhammaan dhibsan doonaan madaxda maamullada, waana in la caddeeyo kuraasta noqoneysa qoondada dumarka, si looga saaro meesha in siyaasi la beegsanayo kursigiisa laga dhigo koonto Dumar.

Madaxda maamullada waxaa la sheegayaa inay miiska u saaran yihiin xubno ay rabaan inay kuraastooda Dumar ka dhigaan si ay u bixiyaan. Qodobkaan masoo dhaaweyn doonaan madaxda maamullada.

7- Jadwal cusub

Xubnaha mucaaradka waxay soo jeediyeen in marka arrimahaas la xaliyo kadib la sameeyo jadwal cusub oo doorasho oo la garanayo, xilliga uu bilaabanayo iyo xilliga uu dhammaan doono.

Tani waxay ka dhigan tahay inay doorashada mar kale dib usii dhici doonto.

Marka lasoo koobo farriinta mucaaradka waxay u muuqataa Niman ku heshiin waayey mowduucii koowaad, kadibna raadsaday dariiq ay ku baxsadaan oo ay shirka kusoo gunaanadaan, waxaana la is waydiinayaa waxa xigi doona haddii warqadooda loo joojin waayo.