XOG: Saddexda QODOB ee lagu xaliyay khilaafkii Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ku guuleystay inuu xaliyo xiisaddii dhowrkii Cisho ee lasoo dhaafay u dhaxeysay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Khadar Guuleed iyo guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada nin ayaa isku heystay awoodda iyo hab jiheynta doorashada Golaha Shacabka ee Reer Woqooyiga. Dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay kulamo ayaa socday lagu raadinayey in xiisadaan lagu damiyo, laakiin dhanka Mahdi ayaa la sheegay inuu culeys badan ka jiray, taasoo loo aaneeyey in cid kale oo ah Villa Somalia uu go’aanka xogooda jiray.

Rooble wuxuu faafiyey inuu Labada Nin ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi la kulmay uuna xaliyey mad-madowgii jiray.

Khilaafka Labada Nin ayaa hakiyey doorashada Reer Woqooyiga isagoo sababay inuu kala qeybsamo guddigii doorashada Reer Woqooyiga, balse wuxuu Rooble sheegay inay isaga iyo labadaas hoggaamiye isla garteen markii ay kulmeen in doorashada lasii wado.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Khadar Guuleed waxaa isaga si gaar ah loogu eedeeyey sad bursi iyo inuu rabo in kuraasta ay badi kusoo baxaan xubnaha ay wataan Farmaajo iyo Fahad, halka Cabdi Xaashi uu ku doodayey in ama wax la qeybsado ama awoodda loo celiyo odayaasha dhaqanka oo hannaanka doorashada si toos ah loo dabaqo.

Haddaba maxaa lagu xaliyey xiisadda?

Illo ka tirsan xafiiska Ra’iisu Wasaare Rooble oo aan la hadalnay waxay sheegeen in Labada Nin ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi lagu qanciyey:

1-  in Guddiga doorashada loo madax banaaneeyo shaqadooda oo iyagu korjoogto bis ka noqdaan mashruuca doorashada.

2-  In Odayaasha Dhaqanka loo dhaafo xulista ergada iyo qeybinta iyadoo la isla fahmaayo sax ahaanshaha odayaasha iyo saamiga Beelaha.

3– Labada nin waxaa lagu qanciyey in marka wixii olole ah oo sharci ah laga tago inaysan doorashada mar kale faragelin.

Seddexdaan qodob iyo heshiiska kadib, Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Woqooyiga, wuxuuna u sheegay in laga fariisiyey dhinacyadii siyaasadda loona madax baneeyey doorashada Kuraasta iyo hab-maamulka Beelaha .

Xubnaha Reer Woqooyiga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku fahmay in lasii wado geediga doorashada oo aan la joojin.

Afar Kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Reer Woqooyioga ayaa Todobaadkaan la dooran doonaa, taasoo ka dhigan in Xafiiska Rooble uu laalay mid kamid ah qodobadii ay mucaaradka soo jeediyeen oo ahaa in doorashada la joojiyo.

Sida muuqato lama joojin doono doorashada. Xubno kamid ah Reer Woqooyiga oo aan la hadalnay waxay sheegeen inuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday in Kuraasta dhiman la dadajiyo si loo xaqiijiyo natiijada guud ee doorashada dalka.