Dareen intee la’eg ayey Villa Somalia ka muujisay xasuuqii Soomaalida Yemen

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba maalin un ka hor waxaa Xeebaha dalka Yemen ka dhacay xasuuq ba’an oo loo geystay Qaxooti Soomaaliyeed oo kusii jeeday dalka Yemen.

Xasuuqaani ayaa noqonaaya kii ugu adkaa oo soo mara Qaxooti Soomaaliyeed waxaana geystay diyaaradaha Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka kula jira Kooxaha Xuutiyiinta Yemen.

Xasuuqa ayaa waxaa laba maalin ka dib ka hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Labada mas’uul ayaa dareen gaara ka muujiyay Xasuuqa waxa ayna sheegen in xasuuqa uu ahaa mid aan loo meel dayin isla markaana lagu gumaaday Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaxootiga kusii jeeday Yemen.

Farmaajo iyo Kheyre waxa ay Dowladaha Sacuudiga, Yemen iyo Beesha caalamka ka dalbadeen in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa faray howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa dhowr jeer oo sii horeysay weerar cirka ah ku dishay boqolaal Qaxooti Soomaali ah kuwaa oo qaarkood ku jiray Dekadaha iyo Garoomada Yemen xili ay doonayeen inay ka baxsadaan Colaada.

Dhinaca kale, Dowlada Sacuudiga ayaa xasuuq ba’an ka geysata Xaafadaha ay Yemen ka degan yihiin Soomaalida, iyadoo aan jirin wax xisaabtan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com