Madaxweyne Farmaajo oo hal arrin uga dheereeyay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu tirro kordhin ku sameeyay Xoghayeenada sida dhow ula shaqeeya, xili kuwii hore ay wali yihiin kuwa sii shaqeeya.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Madaxweynaha uu min hal Xoghayeen ku daray kuwii hore u shaqeynaayay, waxaana la sheegayaa in arrintaasi ay dhalisay isku dhexyaac dhanka shaqada ah.

Xoghayeenada ayaa sidoo kale la sheegayaa inay hayaan howlo isku mid ah, halka xiliyada qaar ay dhacdo inay qabtaan shaqooyin isku mid ah, hadana uusan kala fadili karin Madaxweynaha.

Xoghayeenada sida dhow ula shaqeeya Madaxweynaha ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu ka dhexeeyo tartan xiliyada qaar sababikara isku dhexyaac dhanka shaqada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isbedel muuqda ku sameeyo dhammaan waaxyaha Villa Somalia, iyadoo saameynta ugu badan uu ku yeelan doono Xoghayeenada, Gacan yarayaasha iyo adeegayaasha gaarka ah ee Villa Somalia.

Geesta kale, Farmaajo ayaa dhinaca Xoghayeenada uga dheereeyay Xasan Sheekh oo aan xiligiisa laheyn Xoghayeeno intaa dhan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com