Dastuurka Somalia iyo sida xilka looga qaadi karo MADAXWEYNAHA (QODOB cajiib ah oo ku jira oo naga yaabiyey)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu is-casilo, ayaga oo ku eedeeyey wax qabad la’aan.

Haddii xildhibaannadu ay doonayaan in madaxweynaha xilka laga qaado, waxa ay tahay inay u maraan habka sharciga ah, ayaga oo eegaya siyaabaha madaxweynaha xilka looga qaadi karo, ee dastuurka ku cad.

Kadib markii ay Caasimada Online dib u eegtay dastuurka Somalia, waxa ay ogaatay in waxyaabihii xildhibaannada ay ku eedeeyeen madaxweynaha aan xilka looga qaadi karin gebigoodba.

Waxaa madaxweynaha xilka looga qaadi karaa kaliya marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad qodobka 92-aad, farqada 5-aad ee dastuurka Somalia.

Sidaa darted, maadaama aysan xildhibaanada ku eedeyn madaxeynaha arrimahaas kor ku xusan, ma jirto wax xil ka qaadis ah oo lagu sameyn karo.

Waxaa kale oo taas kaba xiiso badan in haddii la doonayo in madaxweynaha xilka laga qaado ay taasi tahay in dacwadiisa ay dhageysto maxkamadda sare ee dalka, islamarkaana sida ra’iisul wasaaraha oo kale aan madaxweynaha mooshin laga geyn karin baarlamanka.

Haddaba halkan hoose ka arag qodobka dastuurka ee xil ka qaadista madaxweynaha. 

Qodobka 92aad. Maxkamadeynta iyo Maamus-Ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

(5) Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(6) Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha horkeeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay.

(7) Haddii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya.

(8) Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1 ilaa 3 ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qeybta sharciyada ee Caasimada Online

Muqdisho, Soomaaliya

Caasimada@live.com