Xog: Xildhibaannada mooshinka wada oo laga saaray Hoteellada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee wada olalaha ka dhanka ah madaxweynaha Somalia, ayaa lagu amray inay ka baxaan hoteelada magaalada Muqdisho, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, hoteelada ugu caansan magaalada kuna yaalla goobaha ugu nabad-galyada badan, ayaa qaatay go’aankan ayaga oo u cabsanaya ammaankooda.

Milkiilayaasha hoteelad qaar, ayaa lagu warramay inay hanjabaadyo ka heleen beelaha dega Muqdisho, oo si aad ah u taageersan madaxweynaha una sheegeen in haddii aysan ka saarin hoteelladooda xildhibaanno dhowr ah oo magacyadooda loo sheegay in dadweyne carreysan ay soo weerari doonaan.

XIldhibaanada hoteelada laga saaray oo gaaray in ka badan 60, ayaa la sheegay inay degeen hotel uu saami ku lee yahay Cabdulqaadir Cosoble Cali, oo ka mid ah xildhibaanada ku kacsan madaxweynaha.

Cosoble, oo kasoo jeeda beesha Warsangeli Abgaal, ayaa u carrooday madaxweynaha markii uu waayey in loo magacaabo maamulka gobolka Banaadir.

Arrintan cusub, oo ay ku dhaqaaqeen dadka deggan Muqdisho, ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah, oo ka hortagi karta in xildhibaanada lacagta ku shaqeeya ay ku takri falaan xilalkooda, ayna mar walba dumiyaan dowlad kasta oo dalka soo marta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com