Xildhibaanada Baarlamanka SOMALIA oo ganaaxyo la kulmi doona haddii…

Muqdisho(Caasimada Online) – Xilli maanta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka uu soo saaray digniin dhibeysa xildhibaanada kalfadhiyada ka maqnaada.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo shir gudoominayay kulankii maanta ayaa ku dhawaaqay go’aanadaasi oo taabanaya xildhibaanada aan inta badan soo xaadirin kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan ayaa sheegaya in ganaaxyo ay la kulmayaan xildhibaanada hadda kadib haddii ay barlamaanka ka maqnaadaan, maadaama ay soo dhowdahay doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo 2016.

Wuxuu sheegay in xildhibaankii maqnaada muddo 30 maalin ah ama bil uu la kulmi doono ganaax dhaqaale oo gaaraya shan meelood seddex meel dhaqaalaha uu ka qaato baarlamaanka.

Wuxuu digniin u jeediyay xildhibaanada kale ee caadeystay inaan ka maqnaadaan kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ku aadan inay ka fakaraan dhaqaalahooda.

Ugu dambeyn wuxuu gudoomiyaha uu ka dalbaday gudiyada kala duwan ee baarlamaanka Soomaaliya inay la xisaabtan dhab ah ku sameeyaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com