KASHIFAAD: Wiilka Faroole oo qasri ka gatay Ethiopia + Australia oo ceyrisay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Curudka Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan oo haysta dhalashada dalka Australia ayaa dib ugu noqon waayay magaaladii uu ka yimid ee Melbourne markii xukunka lagala wareegay Aabihiis, wuxuuna guri lagu tilmaamay qasri uu ka iibsaday magaalada Dira-dhabe ee dalka Itoobiya.

Sababta dowladda Australia ay ugu hor istaagtay inuu ku noqdo ayaa la xaqiijiyay in ay tahay danbi la xariira arrimo qoys, waxaana laga mamnuucay inuu galo dalkaasi.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole
Maxamed Cabdiraxmaan Faroole

Lacag fara badan oo cadadkeeda aan naloo xaqiijin ayuu guri kaga iibsaday Dira-dhabe, halkaasi oo uu deegaan ku noqday.
Maxamed C/raxmaan ayaa intii uusan Aabihiis Puntland ka noqon Madaxweyne wuxuu magaalada Melbourne kaga shaqeysan jiray Taksi, balse kasoo tegay ka hor inta uusan xilka Madaxweynenimo qabin aabihiis.

Maalmahan ayaa Idaacadda iyo bogga Garoweonline ee milkiyadiisa uu leeyahay ayaa mucaaradnimoa cusub ku billaabay maamulka cusub ee Cabdiweli Gaas, halka markii uu Aabihis xilka hayay u shaqeyn jiray sidii Wargeyskii Kacaanka ee Xiddigta Oktoobar.

Maxamed Faroole wuxuu ahaa qofka kaliya ee awoodii maamulkaa Puntland gacanta ugu jirtay xiligii uu aabihiis ahaa Madaxweynaha, waxaana la sheegay in hantidii ugu badneyd ee Maamulka Puntland la rabay markii laga guuleystay aabihiis inuu wareejiyo aysan dhicin la wareejiyo.

Isha: Warfaafiye.com