Muqdisho: Ciidamo banaanbax dhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maata ka dhacay dibad bax ballaaran oo ay dhigayn ciidamo dhawaan dowladda ay ka ceyriysay shaqada.

Ciidamadan ayaa sheegay in ay khatar ku jirto nafsadooda oo aaney heesan meel ay ku badbaadaan.

Waxa ay eedeen u soo jeediyeen wasaaradda gaashandhigga dowladda iyo taliyaha ciidanka oo ay sheegeyn in ay mas’uul ka yihiin iyagoo shaqeenaya in la ceyriyo lana keensado dad si qabiil ah loo keenay.

Ciidamadan oo ay ku jiraan dumar ka qayb qaatay dagaalladii 1977-dii ka dhex maray Itoobiya iyo Sooomaaliya ayaa kulan la qaatay guddiga difaaca baarlamaanka, waxaana ay uga warbixiyeen xaaladda ay ku sugan yihiin.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo madax u ah guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa shegeay in qaabka loo eryay ciidamadaas ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana uu baarlamaanka arrintaas kulan ka qaadan doono.

Ciidamada la eryay ayaa dowladda ay sheegtay in ay u badan yihiin kuwa howlgab ah iyo kuwa shaqooyin kale heesta, marka si booskooda loo daboolo loo baahday in ciidamo kale la qorto.

Caaasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com