Guuleed oo ka hadlay xiriirka Kenya

London (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada London, ayaa BBC-da u warramay kadidb markii uu hadal ka jeediyay xarunta daraasaadka ee Catham House.

Wasiirka wuxuu ka war bixiyay guud ahaan xaaladda amniga dalka iyo dedaalada dowladda ay ku tallaabsatay muddada ay jirtay.

Wasiirka wax yaabah la weydiiyay waxaa ka mid ah bal sidda uu arko dhibaatada Soomaalida Kenya lagu lagu hayo.

Wuxuu sheegay in ay aad uga xun yihiin isla markaana dowladda Kenya kala hadleen siddii loo badbaadin lahaa Soomaalida dalkeeda ku nool.

Wuxuu sheegay wasiirka in dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya ay lee yihiin hal cadow loona baahan yahay in ay iska kaashadaan siddii looga takhalusi lahaa, isagoona intaas ku daray in ay labada dal ay lee yihiin iskaashi in ay is weedaarsadaan xoggaha dhinaca ammaanka, oo wax yaabaha khatarta ayey iska kaa shaadaan.

Waxaa la weydiiyay sidda uu arko xariggii loo geestay qunsulka Soomaaliya ee Kenya, wuxuu tilmaamay in dowladda tallaabadii ay qaaday ahayd markii ay u yeertay danjiraha Soomaaliya ee Kenya si su’aallo looga weydiiyo qaabka loo xiray qunsulka.

Wasiirka wuxuu ka hadlay wax yaabaha uu ku saleesnaa booqashadiisa London,wuxuu xusay in uu la kulmay madax ka tirsan dowladda Ingiriiska iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan London.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Caasimada@live.com