Da’yar Somali ah oo la kulantay Obama

Washington DC (Caasimada Online) – 500 oo ah da’yer ka socotay Afrikaca ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama, waxaana ay kala hadleen siddii loo hormarin lahaa dalalkooda.

Da’yertaaas waxaa ku jirra seddax qof oo ka socday Soomaaliya kuwaasoo kala ah gabar iyo labo wiil.

BBC-da ayaa wareysatay Sahra Saciid Bilaal oo ka mid ah da’yerta la kulantay madaxweynaha Maraykanka waxaana ay ka warantay wax yaabaha ay kala hadleen madaxweyne Obama iyo lix tododbaad oo ay waxbarasho kala duwan ay ku qaateen jaamacado ku yaalla dalka Maraykanka.

Waxay sheegtay in meelaha ay tageen intii ay joogeen Maraykanka ay ku soo arkeen sidda bulshadda Maraykanka ay uga hormartay dhinaca hoggaaminta.

obama-south-africa

Ms. Bilaal ayaa xustay in mashruuca Young African Leader Ship Initiative uu yahay mid looga gun lee yahay siddii da’yerta Afrikanka loo bari lahaa maamul wanaaga iyo hufnaanta.

Waxay sheegtay in wax badan ay ka soo baratay meelihii ay booqdeen iyada iyo dhammaan da’yerta Afrika ka socotay.

Ugud dambeyn Sahra Saciid ayaa xustay in marka ay ku laabato Soomaaliya ay uga faa’ideen doonto Soomaalida kale wax yaabaha ay baratay booqashada ay ku tagtay magaalada Wanshinton gaar ahaan ay la shaqeyn doonto ururada bulshadda sidda dumarka.

Kulankan ayaa ku soo beegamaya iyadoo dhawaan la filaayo in madax ka socota Afrika ay la kulmaan madaxweyne Obama waana kulan taarikhi ah sidda ay lee yihiin warbaahinta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Caasimada@live.com