Hub faro-badan oo gaaray Sh/hoose & dhinacyo ku biiray colaada (Dhageyso)

Marka (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Shabeelle State Abukar Mardaadi Cabdi Cusman oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha ay soo gaareen hub fara badan oo ay leeyihiin Maamulka Seddexda Gobo lee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Abukar Mardaadi Cabdi Cusman ayaa sheegay in hubkaasi gacanta loo geliyay dhinacyo ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamaayay Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uuna intaasi ku daray in dagaal dambe oo ka dhaca Shabeelaha hoose ay masuuliyadiisa qadeyso Maamulka Seddexda Gobol ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in maamulkaasi uu si toos iyo si dadbanna ugu lug lee yahay colaadda gobolka, ayna qaadayaan mas’uuliyadda wixii hadda kadb dhaca.

Madaxweynaha Maamulka Shabeelle State ayaa Sidoo kale Sheegay in Maamulkooda uu leeyahay Ciidamo iyo Darees u gaar ah kuwaasi oo ka howl galaya Deegaanada uu ka Arrimiyo Mamulkooda.

Deegaano iyo Degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa inta badan waxa ka dhaca Dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelaha daga Gobolkaasi.

Halkan ka dhageyso madaxweyne Mardaadi

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com