SOOMAALI badan oo ku la’atay QARAX xooggan ka dhacay dalka carbeed ee..

Sana’a (Caasimada Online) – Inta la ogyahay lix qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax qabsaday baabuur ay la socdeen tahriibayaal Soomaali ah oo ku sii jeeda dalka Sacuudiga.

Qaraxa oo ilaa hadda aan la ogeyn wax yaabaha uu ka dhashay ayaa warar is khilaafsan uu ka soo baxaya, waxaana la lee yahay qaraxa ayaa dhacay gudaha gaarigana wuxuuna qabsaday gaari kale oo ay la socdeen tahriibayaal kale, waxaa kaloo la lee yahay wuxuu ahaa mid miino ah oo dhulka la galiyay.

Tahriibayaasha la socday labada baabuur ee qaraxay ayaa ka tagay dalka Yemen waxaana ay ku sii jeedeen xadka u dhexeeya dalka Sacuudiga.

Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Isbitaal ku yaalla magaalada Sanca halkaasoo hadda lagu daweynaayo sidda ay lee yihiin warbaahinta dalka Yemen.

Waa markii ugu horreysay oo tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhintaan qarax qabsaday baabuurkooda xadka u dhexeeya waddamada Yemen iyo Sacuudiga waxaana arrintaas walwal iyo cabsi ay ku abuurtay Soomaali badan oo ku nool dalka Yemen kuwaasoo ku taamaya in ay galaan dalka Sacuudiga.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Yemen oo ku aadan qaraxa qabsaday tahriibayaasha Soomaalida ee ka tagtay dalka Yemen.

Yemen waxay ka mid tahay waddamada ay u hayaayeen Soomaalida ka carartay dalkooda waana surin ay u sii maraan marka ay rabaan in galaan dalka Sacuudiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com