BF oo CODKA kalsoonida siiyey XAMZA + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh codka kalsoonida ah u siiyey ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Kulanka xildhibaannada ayaa waxaa goobjoog ahaa illaa 220 Mudane, waxaana shir guddoomiyey Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ra’iisul wasaaraha cusub oo marka hore khudbad u jeediyey Golaha ayaa ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu guda-galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Intaasi kadib ayaa waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaana kalsoonida siiyey illaa 220 xildhibaan oo ah dhammaan kooramka xildhibaanada xaadiray.

Ma jirin xildhibaan diiday ama kaa aamusay, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan xilka u magacaabay Madaxweynaha 10-aad, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa haatan looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka, si ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee ka dhacday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.