De deg: Ciidamo ka tirsan NISA oo gudaha u galay Guriga Cabdiqeybdiid

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa goor dhow gudaha u galay Guriga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid oo ka mid ah Senatorada Aqalka Sare.

Warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladdu howlgal qorsheysan ay ka wadaan Guriga Xildhibaankaasi.

Ciidamadan ayaa xirey wadooyinka soo gala guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaal degmada Hodon agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in ay baaritaan ka wadaan gudaha guriga Cabdi Qeybdiid.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada ka ah guriga Senatar Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa senatar.

Baaritaanka hoyga Cabdiqeybdiid oo ah Mudane xasaanad leh ayaan  la baari karin illaa xasaanada laga qaado. Hase yeeshee lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid ooh ore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida

Balse dhawaan ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, sidan oo kale howlgal qorsheysan ay uga sameeyeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ay Dowladdu Xabsi dhigtay .

Inkasto markii dambe Maxkamadda Gobolka Baanadir ay ku dhawaaqday in wax dambi ah uusan lahayn Siyaasigaasi

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa kamid ah Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, lamana ogo sababta rasmi ah ee ka dambeyso weerarkaas.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.