Xog Culus: Caddeymo cusub oo loo helay Kiiska C/raxman C/shakuur & Xildhibaannada la eedeeyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Caddeymo cusub ayaa u gacan galay Xeer ilaalinta Qaranka, kuwaasoo ku saabsan kiiska loo heysto siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay ku wehliyaan laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Xogta ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeys in xeer ilaalinta oo ku jirta ururinta caddeymaha kiiska Qarandumiska ee ay ku soo eedeysay C/raxmmaan C/shakuur iyo xildhibannada ay saaxiibada yihiin ee kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye ay heshay caddeymo kale oo la xiriirta diyaarinta mooshin lagu rido hoggaanka dowladda Soomaaliya, abuuris khalkhal siyaasadeed iyo u adeegid dano shisheeye.

Caddeymihii hore ay soo bandhigtay Caasimadda Online waxay kala ahaayeen:

1 – Codad muujinaya abaabulka ridista dowladda oo ku saabsan dhaqaale la bixinayo iyo kharash dibadda looga helay in lagu laaluusho xildhibaannada.

2- Marqaati iyo caddeyn xildhibaanno lacag lagu siiyay inay saxiixaan mooshin lagu ridayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

3- Qoraallo iyo dokuments la xiriira mooshin oo ku taxan yihiin liiska xildhibaanno lacag la siiyay.

4- Wadahadal codad ku saabsan tirada lacagta la siinayo xildhibaannada oo dhex maraya laba xildhibaan oo xeer ilaalinta soo eedeysay iyo C/raxmmaan C/shakuur.

Caddeymaha cusub waxaa ka mida:

5- Xisaab Bankiyeed loo adeegsaday lacagta la siiyay xildhibaannada

6- Bayaan Dhaqaale (Bank Statement) caddeynaya lacago xisaabxir dhinac dibadeed

7- Liis bixinta lacago loo adeegsaday Mooshin iyo kicin siyaasadeed

Arrimahan oo dhan waxay qeyb ka yihiin baaritaanka culus ee socda, kuna saabsan kiiska siyaasiyiin iyo xildhibaanno ku midoobay olole siyaasadeed oo farta lagu fiiqay inay ka dambeyso dowladda Imaaraadka, kaasoo Muqdisho ka socday dhowr bilood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com