Xog: Is araga Xildhibaanada Mucaaradka oo kusii yaraanaya Hoteelada Muqdisho +Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kasii  yaraanaya is araga Xildhibaanada mucaaradka ee dhawaan laga mamnuucay inay ku kulmaan Hoteelada Muqdisho.

Xildhibaanadan oo si joogta ah isugu uruursan jiray Hoteelada waaweyn, ayaa iminka u muuqda kuwo cabsi ka muujiyay howlgalkii dhawaan ka dhacay Hooyga C/raxmaan C/Shakuur oo la sheegay inuu halis ku ahaa Qaranka.

Xildhibaanada ugu badan oo ku kulmi jiray Hoteelada Jazeera, Hayat iyo Makka al-Mukarama ayaan iminka iska xaadirin Hoteeladaasi, kadib markii ay heleen xogo muujinaaya in dowlada Federaalka ay ku howlan tahay fulinta weeraro kale oo lid ku ah Xildhibaano iyo Siyaasiyiin loo aqoonsaday inay wadaan howlo lid ku ah Qaranka.

Xildhibaanada ugu badan ayaa degay guryo caadi ah, waxa ayna cabsi ka muujiyeen in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay si sahlan kala soo baxdo Hoteelada.

Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa Hoteelada waaweyn ee magaalada Muqdisho ku daadisay Ciidamo dhar cad ah kuwaa oo dusha kala socda dhaqdhaqaaqyada Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo dhinacyada kale ee mucaaradka ku ah howlaha dowlada.

Sababta ugu weyn ee fashilisay is araga Xildhibaanada ee Hoteelada Muqdisho, ayaa lagu sheegay inay tahay Dharcada ay dowlada Federaalka ku daadisay inta badan Hoteelada ay ku shiri jireen Mucaaradka.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn talaabada xigta howlgalkii ka dhacay Hooyga C/raxmaan C/Shakuur, inkastoo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in dowladu ay isha ku heyso mucaarad kale.

Caasimada Online

Xafiisa Muqdisho

Caasimada@live.com