Barnaamij loogu magac daray HIIGSO MUSTAQBALKAAGA oo Haweynka Shabeelada Hoose

Magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu qabtay barnaamij loogu magac daray hiigso Mustaqbalkaaga oo loo qabtay Haweynka Shabeelada hoose.

Waxaa loo qabanayay haweenka Gobolka Shabeelada Hoose

1) Hooyo Faadumo Abuukar Cismaan deggan Kuntuwaareey:- “Uma helno si joogta ah biyo, waxbarasho, koronto iyo goobo caafimaad intaba, waxaan codsan laheen in deegaanka laga hirgaliyo Ceelal biyo, Iskuullo waxbarasho, Isbitaallo iyo Adeeg koronto, waxaa nahay dad aan mid ka heysan adeegga aas aasiga ah ee nolosha.

2) Hooyo Sahro Maadeey Cali Deggan Degmada Sablaale:- “Waxaan codsaneeynaa in la noo joogteeyo barnaamijyada noocaan ah, waxaana isleeyahay wax badan ayey ka badali karaan dhibaatooyinka ay qabaan hooyooyinka degmada iyo dhammaan kuwa ku dhaqan gobolka.

3) Hooyo Luul Cismaan Maxamed deggan degmada Afgooyo:- “Waxaan ahay hooyo ay u joogaan carruur badan aanan awoodin in ay ka bixiso waxbarashadooda, waxaan codsan lahaa in degmada Afgooyo la nooga hirgeliyo iskuullo bilaash ah, si ay carruurteenna u helaan waxbarasho mustaqbalkoodana u wanaagsanado.

4) Guddoomiyaha haweenka Magaalada Marko  Nuurto Axmed Maxamed:- “Waxaan codsaneynaa in dumarka loo sameeyo shaqo abuur si ay u kaafiyaan qoyska, waayo haddii hooyo ganacsi loo abuuro waxey ku fakareysaa in haddii manta ay ka faa’ido hal dollar ganacsigeeda ay u raadiso hal doolar oo kale si ay ilmaheeda waxbarasho iyo noloshoodo ugu dabarto.

5) Hooyo Duniya Xasan Cali deggan Degmada Owdheegle:- “Maheysanno xarumo caafimaad oo tayo leh marka aan foolanno, waxaa qaarkeen loo qaadaa Muqdisho, waxaana dhacda mararka qaar in dhiig bax dhaco inta wadada lagsuii jiro, waxaan codsan laheen in isbitaallo lanoogu sameeyo degmada, kuwa hadda ka howlgalana la tayeeyo si aan u helno adeeg caafimaad oo dhammeystiran”.

6) Guddoomiyaha Haweenka Baraawe Faadumo Gaaboow:- “Waxaa Baraawe iyo guud ahaan Gobolka ka jiro waxbrasho la’aan, mana awoodno qarashka waxbarashada, waxaan codsaneynaa in laga hirgeliyo Gobolka iskuullo bilaash ah si carruurteenna ay u helaan waxbrasho.

Guddoomiyaha haweenka Gobolka Shabeelada Hoose Maryan Mukhtaar Maxamed:- “halkaan lagu masoo koobi karo baahiyaha ay qabaan haweenka Gobolka Sh/Hoose, degmooyinka qaar xitaa malahan biyo la cabo iskaba daa waxbarasho, caafimaadna warkiisa ha sheegin, waxaan u sheegayaa haweenka ku dhaqan sideeda degmo ee Gobolka in ay midoobaan una istaagaan sidee wax u qabsan lahaayeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Madoobe Nuunow ayaa ku ammaanay doorka fiican ay ka qaadanayaan dumarka horumarka Gobolka Shabeelada Hoose iyo dhammaan deeganada hoos taga dowlad goboleedka K/Galbeed, isagoona kula dardaarmay in ay ka faaideystaan barnaamijkaan oo ah mid iyaga gaar u ah.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in isku xirnaanta iyo iska warqabka haweenka sideeda degmo ee gobolka shabeelada hoose ay qeyb weyn ka qaadan karto ammaanka gobolka, isagoona tusaale usoo qaatay in kan wax dilaya, kan wax dhacaya iyo midka jidka taaganba ay dhaleen hooyo, aabahana inta badan lagu tilmaamo in uusan la socon dhaqdhaqaaqa carruurtiisa.

Faadumo Cabdiraxmaan Guulwade Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Koonfur Galbeed:- “Waxaan aad ugu farxay in ay halkaan ku mideysan yihiin haweenkii Gobolka Shabeelada Hoose, waxaan idiin rajeynayaa in  aad wax badan ka faa’idi doontaan barnaamijkaan idiin gaarka aha, waan ogahay in aan halkan laguso koobi karin baahiyihiina, waxaana idinka ballan qaadayaa in barnaamijyada noocaan ah la gaarsiin doono dhammaan Gobolada iyo degmooyinka uu ka arrimiyo Maamulka Koonfur Galbeed.